Gaas iyo Cadaad Oo Jaamacadda Laga Wada Eryay iyo Guddoomiye Cusub Oo Loo Magacaabay

0
338

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Gudiga sare ee Jaamacadda Hargeysa ayaa sheegay in ay eryeen Guddoomiyihii Jaamacadda Hargeysa Cabdi Xuseen Gaas, kuxigeenkiisa Cabdisalaan Yaasiin iyo sidoo kale hormuudkii kuliyadda Sayniska Axmed Maxamed Cadaad iyo hormuudkii kuliyadda ganacsiga iyo dhaqaalaha Keyse, August-05-2015-

Waxaana Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa si ku meel gaadh ah loogu sii magacaabay Mahdi Cismaaan Buuri.

jamacadda u8

 

 

Afartaasi masuul ayaa hogaanka jaamacadda ku muransanaa tan iyo sanadkii hore iyadoo aakhirkiina arrintaasi sababtay kala qaybsanaan ardayda Jaamacadda ah iyo rabshado ka dhacay jaamacadda.

 

Qoraal lagu baahiyay barta facebook ee Jaamacadda Hargeysa ayaa go’aanka guddida iyo wakhtiga jaamacaddu dib u furmayso lagu sheegay waxaanu u dhignaa sidan:-

 

“Kaddib kulamo badan oo ay yeesheen, Shaqaalaha, Gollaha Sarre & Senate ka Jaamacadda iyo Madaxweynaha JSL & Gollaha Sare waxaa guud ahaan xal laga gaadhay khilaafaadkii jiray iyo shaqo joojintii Shaqaalaha. Gollaha Sarre wuxuu istiqlaaladii shaqo ka tagis ka aqbalay Dr Abdi H. Gass iyo Prof Abdisalan Yasin. Sidoo kale wuxuu xoojiyay isla markaana meel mariyay go’aankii hore ee shaqada lagaga joojiyay Labadii Hormood Kuliyadeed. Gollaha Sare wuxuu Gudoomiye ku meel gaadh ah u magacaabay Mudane Mahdi Cismaan Buuri.

 

Laga bilaabo Sabti 8 August 2015 Jaamacaddu dib ayay u furmaysaa Haddii Eebe Idmo. Ardaydii ay u socdeen Imtixaanaad ku waxa lala socodsiinayaa in ay Imtixaanaad ku dib u bilaabmi doonaan Isniin-ta 10-ka August, 2015, iyagoo ku salaysan Jadwaladii iyo Saacadihii ay kuliyad waliba galaysay ee hore loo iclaamiyay.”

 

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here