Xildhibaan Indha Indho Oo Oo Ku Dhawaaqay In Uu U Taagan Yahay Musharaxa Jagada Madaxweyne ku-xigeenka KULMIYE

0
356

Hargaysa(Xogsoormedia.com):- Xildhibaan Cabdi Qaadir Maxamed Xasan Indho-indho oo Ah Afhayeenka Golaha Guurtida Somaliland ayaa ku dhawaaqay in uu yahay Musharaxa Jagada Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbi Xaakimka Somaliland ee KULMIYE waxaanu mushsraxnimadiisa shuruud uga dhigay in uu soo boxo Musharax Madaxweyne oo Sacad Muuse ah.

 

Waxa uu sheegay inuu kulamo layeeshay Saddexda Musharaxa ee u taagan Madaxwaynaha ku Qanciyay inuu u noqdo Hadba kii ku soo baxa Madaxwayne ku xigeen,waxaanu rejo wacan ka muujiyay inuu Kalsooni Badan ku Qabo inuu Xilkaasi Hanan Karo.

indho

Cabdi Qaadir ayaa tilaamay inuu Doorashada Gaadhsiin Doono Meelo badan oo aan wali laga codayn,Balse waxa uu caddeeyay Haday Xilka Wayaan saddexdaas musharax inaanu u taagnayn Madaxwayne ku xigeen.

“Waxaan u sharaxanay Madaxwayne ku xigeenka Xisbiga Kulmiye Dhexdiisa Marka uu madaxwaynaha somaliland haakaha ka yidhaahdo Xilkiisa,ninka ay golaha dhexe ee kulmiye soo saaro ee sacad muuse ah ayaan madaxwayne ku xigeen u ahay,madaxwaynahii ugu horeeyay Cabdiraxmaan Tuur Burco ayuu ka soo jeeday,Xajii ibraahina Burco ayuu isna Ahaa,Daahir Riyaalena waxa uu ahaa reer Galbeed Marna Xilka Madaxtinimada May qaban Reer Hargaysi.

 

Intaas waxa uu ku daray Afhayeenka Golaha Guurtida somaliland ee isku Soo taagay Musharaxa Madaxwayne ku xigeen ee xisbiga Kulmiye isaga oo hadalkiisa siiwata.”Maanta hadii nin reer hargaysa Ahi is sharaxay in bariga lageeyo ku xigeenka ayaa igu kalifaysa inaan noqdo madaxwayne ku xigeen,lakiin hadii siilaanyo is sharaxo anigu kuma xigo,balse waxaan ku xigaa nimankaas sacad muuse ee madaxwaynaha doonaya.

 

Mar Aanu waydiinay Hadii cid kale ku soo baxdo tartanka Madaxwaynaha loo galayo kuna soo bixi wayaan madaxda u taagan beelaha galbeed sida uu yeelayo ayaanu wax ka waydiinay waxaana uu ku jawaabay.

 

”Aniga hadii uu nin reer hargaysa ahi soo baxo oo sacad muusa soo bixi wayaan kuma Xigo,Imika nin Kijaandhe Layidhaah ayaa is sharaxay niman kale ayaa ku xigeeno u ah inaanu kala leexano way qurux badan tahay,lakiin hadii ay sacad muuse xilka heli wayaan ana heli maayo.

 

Sidoo kale Mar Aanu waydiinay in Ay somaliland ka guurtay Habkii Qabiilka una Guurtay Habkii Dumuq-raadiyada sida ay isku waafaqayaan habka Qabiilka Ah ee uu Carabka ku cel-celiyay ayaanu wax ka waydiinay.

 

“Beeshu iyadiibaa shiraysa oo leh marka uu haakaha yidhaahdo Odaygu ayaanu fuulaynaa,aniguna waxaan is idhi,iyaguna cod badan ayay leeyihiin ana cod badan ayaan leeyahay oo deegaanadii aan doorashadu ka dhici jirin oo laga codaynayo ayay arki doonaan oo ah dadkii aanu matalaynay ah,qofna kaligii meel ma istaago, nimankaas kale waa lagu wada xigaa lakiin kuwan aan lagu xigin ayaan aniguna tageerayaa.

 

Geesta kale Mar Aanu waydiinay Cid isaga wadata ayaa waxa uu sheegay in Beesha uu ka soo jeeda isaga wadato waxaana uu yidhi.”Adeer beeshayda ayaa iwadata deegaanka iyo dadkayga,waanan ku rejo waynahay inaan ku soo bixi doono,madaama oo ninka aan ku xigaa ku soo bixi doono,ileyn awal manaan codayn jirin e dhawr boqol oo cod ayaan keenayaaye oo dad aan awalba codayn jirin ayaa codayn doona.”

Waxaanu intaa raaciyay jawaab uu ka bixiyay go,aankii Muddo kordhinta ajaa ee ay Xukuumadda iyo Wakiilada u kordhiyeen oo mucaaridku xoog u diidan yahay waxaanu yidhi.

 

“Oday Siyaasada ku Saaqidayna waxba isaga ka odhan maayo,adigu hargaysa ayaa ku dhacday saddex jeer adiga oo iska sharaxay, laakiin anigu deegaankayga kuma dhacayo oo kalsooni ayaa ku qabaa,intaas waxa uu ku daray isaga oo midawga yurubna ka sii hadlaya.”Hortu Midawga Yurub waa Sideed iyo labaatan Dawladood Lix meelahaas ayaa wax bixiya,siday dalka wadooyinka ugu dhiseen waad garanaysaan qaar xayraamiina way leeyihiin,haday baxeen wax saamayn ah oo ay dalka ku leeyihiin majirto,balse kuwii wax ina siin jiray way joogaan.

 

Sidoo kale waxa uu cadeeyay inuu kulamo leeyashay Saddexda Musharax ee beesha Galbeedka Somaliland dhamaana ku qanciyay inuu yahay musharaxooda u taagan madaxwayne ku xigeenka somaliland waxaana uu yidhi.

 

“Muuse Biixi samaale iyo Maxamed Biixi kii Golaha Dhexe ku soo baxa waan ku xigaa madaxwayne ku xigeena waan u ahay,anigu foodkayga waan haystaa sideed magaalo oon codayn jirin ayaan food kooda haystaa,heshiisna waanu nahay dhamaan waana ay iga ogoladeen dhamaan inaan madaxwayne ku xigeen u noqdo.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here