Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Musharaxa Jagada Madaxweynahaiba ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID,Jamaal Cali Xuseen,ayaa Xukuumadda markale u soo jeediyay in ay fuliso heshiiskii ay mucaaridka wada gaadheen ee la iskula qaatay in doorashooyinku dalka ka qabsoomaan,waxaanu taa bedelkeega ku sheegay in ay halis dalka galin karto isla markaana ay dhaawacayso dimuquraadiyadda Somalilnad.
Waxaa kale oo uu Musharax Jamaal ka hadlay sida ay saamaynta siyaasadeed ugu yeelatay siyaasadda Somaliland ee Arrimaha Dibada iyo Xarunta Midawga Yurub ku leeyihiin Somaliland ee la xidhayo.
“Midawga Yurub waxay ku dhawaaqeen in Somaliland ka bixi doonaan oo xidhi doonaan xafiiskoodii kali ahaa ee Hargeysa. Wuxuu ahaa xafiiskaasi citiraaf dadban, muhiimad la ina siinayay iyo dan beesha caalamku inaga lahayd ayuu ahaa.”
Musharaxa Ucid waxa uu sheegay in arrintani ku timid siyaasad xumo dhanka xukumadda ah “Waxaan aad uga xumahay in markii la arkay xukumaddii oo ka baxday heshiisyadii ay xisbiyada mucaaradka ah la gashay, oo geedi socodkii dimuqraadiyadda dhaawac badani ku yimid, in EU-du go’aan ku qaataan inay xafiiskooda albaabada u laabaan”.
Waxaanu intaa ku daray Musharax Jamaal Cali Xuseen isagoo hadalkiisa sii wata. “Waxaan leeyahay anagu diyaar baanu u nahay sidii aanu xukumadda ugala shaqayn lahayn sidii loo joojin lahaa Midawga Yurub oo ay dalka u joogi lahaayeen”.
Ugu dambayn waxaa uu Xukuumadda u soo jeediyay in ay fuliso balantii iyo heshiiskii ay asxaabta qaranka iyo Xukuumaddu wada gaadheen ee ahaa in doorashooyinka la qabto December, 2016 “Waxaa muhiim ah, oo lagama maarmaan ah in xukumaddu hirgaliso heshiiskii xisbiyada ay la gashay ee beesha caalamku makhraati ka ahayd mana aha in nin ama sodon nin dalku u afduubnaado oo la yidhaa waa la soo dhiraan dhirinayaa” ayuu yidhi mr Jamaal.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland