Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici),ayaa baaq qaylo dhaan ah u diray ganacsatada Somaliland, beesha caalakma iyo Hay,adaha caalamiga ah.
Madaxweyne xigeenka Somaliland iyo guddida abaaraha Somaliland, oo wada jir maanta u qabtay shir jaraa’id ayaa waxay ku sheegeen in xaalada abaarta Somaliland ku dhufatay ay tahay mid halis ah oo saamaysay guud ahaan dadka reer miyiga ah iyadoo ay intaa ku dareen in loo baahan yahay gurmad deg deg ah oo samato bixin ah oo dadkaa lagu badbaadiyo.
“Waxaanu ugu baaqayna abulshada Somaliland gudo iyo dibadba,hay’addaha caalamiga ah, iyo waddamada aynu saaxiibada nahay in hawshaas gurmad degdeg ah laga galo oo nalaga caawiyo. Xukumad ahaan waxaanu diyaar u nahay inaanu qaybtayada ka qaadanno” ayuu yidhi Madaxweyne xigeenka Somaliland.
Madaxweyne xigeenku waxa uu sheegay in gobolada Gabiley iyo Awdal oo ugu darraa abaarta laga sii bilaabay biyo dhaamis hor dhac balse roobabku ka bilaameen, iyadoo la filayo inay biyo dhaamiska ka furtaan dadka balse aanay wakhtigan dhinaca cuntada waxba ka tarayn.
“Umadda reer Somaliland ganacsatada iyo cid walba waxaanu ka codsanaynaa inaynu isku naxariisanno oo u diyaar garowno gurmad degdeg ah oo dadka lala gaadho waxay cunaan. Waxaa lagu qiyaasay in dad labaatan kun oo qoys lagu qiyaasay maanta cunto u baahan yihiin gobolada Galbeedka, markaa dibaddu wakhti bay inagu qaadanaysaaye waa inaan u diyaar garowno sidii aynu degdeg ugu gaadhsiin lahayn 20,000 qoys cunto degdeg ah” ayuu yidhi Madaxweyne Xigeenku.
Mudane Saylici, madaxweyne xigeenka Somaliland waxa uu Alle uga baryay bulshada Somaliland in raxmaadkiisa uu u shubo maadaama Illaahay umaddiisa dhargiyo oo aan gacan bani’aadam aan lagu baahi bixin.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland