Burco(Xogsoormedia.com)::Maxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Waftigii Uu Hogaaminayay oo socdaal shaqo ku soo maray gobolada dalka ee bari,ayaa intii ay ku sugnaayeen Magaalada Burco waxaa uu booqday goobo kala duwan oo oo ku yaalla magaalada Burco.
Madaxweyne Siilaanyo iyo Weftigiisa ayaa booqasho ku tegay Xarun si fiican u dhisan una qalabaysan oo loo dhisay naadiga Akhriska iyo Qoraalka Halkaraan oo ay dhistay Dawladda Hoose ee Burco iyo Xarun kale oo loo dhisay ururka Haweenka Qaranka Naw ee Heer Gobol.
Waftigani uu Horkacayay Madaxwaynaha Somaliland ayaa Waxa Uga Warbixiyay Sida uu Dhismahani ku Imid iyo Sida ay Had iyo Jeer Dawlada Hoose ugu Shaqayso Dhalinyarada iyo Haweenka,
Waxana ugu Horaynba Madashaasi Ka Hadlay Maayirka Magalada Burco Ustaad Maxmed Muraad oo Ku Dheeraday
Sida Ka Dawlad Hoose ahaan Ay Ugu Shaqeeyaan Dhalinyarada iyo Haweenka Waxa Kale oo Uu Carabka Ku Dhuftay Maayirka Kaalinta Baladhan ee Nadiga akhriska iyo Qoraalka ee Halkaan Ay Kaga Jirto Dalka Somaliland – See more at:
Waxa iyaguna Madashani Ka Hadlay Wasiiro Tiro Badan oo Ka Mid ahaa Waftiga Madaxwaynaha Somaliland Oo Ku Aamanay Naadiga akhriska iyo Qoraalka ee Halkaraan Daadalka ay Ugu Jirto Dhalinyaradi sidii ay Uga jeedin Lahayd aafiyinka ragaadiyay dhalinyarada ee ay ka Mid Tahay Balwada,Tahriibta iyo Waxii La Halmalaa
Wxana Ugu Danbaynti Halkaasi Ka Hadlay Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxmed Maxmud Silaanyo Oo Uga Mahad Celiyay Dawlada Hoose,Maamulka Gobolka,Ururka Now iyo Naadiga Halkaraan Dhismahan Quruxda Badan ee Loo Hirgaliyay Isla Markaana Tilmaamay Sida ay Uga Go,antahay Inay Dhalinayarada Had iyo Jeer uga Heelan Yahiin
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland