AHargeysa(Xogsoormedia.com):- Ilmo yar oo sebi ah isla oo jiray 18 bilood oo falastiini ah ayay gubeen Yuhuudda degen daanta galbeed ee dhulka reer Falastiin
Weerarka Ilmaha yar lagu gubay ayaa waxaa kale oo ku dhaawacmay ugu yaraan sadex ruux oo kale kadib markii Gurigooga lagu tuuray Bam ee lagu qarxiyay.
Falka ilmha yar lagu gubay oo ay ka hadashy Dawladda Yuhuudu ayay ku sheegtay fal argagixiso oo laga naxo laakiin wax tallaabo ah kamay qaadin Yuhuudda la deegaameeyay ee falkan ilmaha yare e Sebiga ah lagu gubay.
Yuhuudda la deegaameeyay ayaa maalin kasta dhulka Reer Falastiin ee ay xoogga ku haystaan ka fuliya falal axmaqnimo oo Xuquuqda aadamaha meel ka dhac ku ah oo ay kula kacaan shacabka reer Falastiin.
Tallaabooyinka ay ku kacaan Yuhuudda la deegaamaeeyay iyo Xukuumadda Israaiil ayaan marnaba dalalka awooda badani wax tallaabo ah ka qaadin isla markaana ay ku sheegaan taa bedelkeega in Yuhuudu ay is difaacayso iyadoo cidda ay leeyihiin way iska difaacaysaana ay yihiin shicibka reer Falastiin ee aan hubaysnayn ee maalin kasta la kulmaya Xasuuqa Yuhuudda.
Halka dalalka awooda badan ku faanaa ay mar kasta tallaabo millatari ugu hanjabaan dalalka Islaamka ah ee ay u arkaan in ay danahooga ka soo hor jeedaan kuna eedeeya wax ay ugu macag dareen ku tumashada Xuquuqda aadamaha iyo cabudhinta xorriyatul qawlka.
Laakiin kutumashada Yuhuudu ay samaysaa waa mid aanu xeer qaban sharcina adduunka uga ool,waxaana la odhan karaa xadgudubyada Yuhuudu kula kacayso shacbiga reer Falastiin Waa Gardaro garab og.
Xogsoormedia.com
Hargeis Somalilnad