Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Xisbiga Mucaaridka ee WADDANI,ayaa laba Xubnood oo xisbigooga ah ka qaaday xilal ay Xisbiga ka hayeen caawa.
Labada Xubnood oo haween ah ayaa xil ka qaadistooda lagu sheegay war-saxaafadeed kooban oo uu soo saaray kuna saxeexan yahay Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Maxamed Cabdilaahi Uurcadde.
Waxaana labada Xubnood ee xilka laga qaaday lagu eedeeyay in ay ku kaceen khiyaamo Xisbi isla markaana ku gafeen xeerka ururada iyo asxaabta qaranka.
Warsaxaafadeedka xilka lagaga qaaday labada Xubnood ayaa u dhignaa Sidan Warsaxaafadeed naga soo gaadhay xarunta dhexe ee Xisbiga WADDANI oo uu ku saxeexanyahay Xoghayaha Guud ee Xisbigaas Md. Maxamed Cabdilaahi Uurcadde ayaa xilalkii lagaga qaaday laba xubnood oo ka tirsanaa xisiga, kuwaas oo ku gafay Xeerka Xisbiga, Xeer-hoosaadka Garabka Haweenka iyo Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta siyaasadda.
Warsaxaafadeedkaas oo dhamaystiran wuxuu u dhignaa sidan…
Xogsoormedia.com
Hargeis Somalilnad