Qorilugud(Xogsoormedia.com):- Afhayeenka Beesha Qorilugud ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ee degmada Qorilugud Maxamed Cawil Sii’arag sida uu ku sheegay waraysi gaar ah oo uu khadka tilifoonka ku siiyay shabakada Xogsoormedia.com,ayuu ku sheegay in xubnaha ka baxay Xisbigooda ee iska casilay ay u badnaayeen xubno xisbiga laga jecel yahay isla markaana aad loogu hanweynaa waxaanu intaa ku daray in is casilaadoodu ay muujinayso in KULMIYE iyo Xukuumaddiisu ay ku guulaysteen faro galin uu sheegay in ay Xisbigooda Mucaaridka ah ee WADDANI ku hayeen. Waxaa kale oo uu sheegay in KULMIYE aanu diyaar u ahayn in uu dalka doorashooyin ka qabto isla markaana waxaa uu intaa ku daray in KULMIYE uu bur buryo oo uu ku dambayn doono jidkii UDUB.
Waxaanu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu khadka tilifoonka goor dhawayd ku siiyay Xogsoormedia.com
Waxaanu yidhi isagoo ka hadlayay xubnaha Xisbigooda iska casilay. “waxaan leeyahay xubnaha iska casilay Xisbigayaga (WADDANI) horta waxaad ahaydeen xubno xisbiga laga jecel yahay oo sharaf iyo maamuusba ku dhex leh Xisbiga laakiin hadaad naga tagteen waxaan idn leeyahay amaano alla idin habaari mayno oo waanu idin jecel nahay laakiin waxaan idiin sheegayaa is casilaadiinu waxay noo muujinaysaa in KULMIYE iyo Xukuumaddiisu ay ku guulaysteen faro galintii ay xisbigayaga ku hayeen laakiin Xisbi qof iyo laba ka tegay wax yeeli karaan waliba waanu idin jecelnayay ee noo soo noqda ayaan odhan lahaa.”
Waxaanu intaa ku daray Sii’arag isagoo ka hadlayay Xisbiga talada haya ee KULMIYE oo uu ku eedeeyay in aanu doorasho diyaar u ahayn. “Waxaan u sheegayaa xubnaha iska casilay Xisbigayaga Waddani waar KULMIYE doorasho diyaar uma aha mana sii jirayo oo wuxuu ku socdaa wadadii UBUD saaxada kaga baxday oo wuxuu ku bur burayaa doorasho diid nimadiisa.laakiin amaano alla waa idiin banana labada oofoodba”ayuu yidhi Maxamed Cawil Sii’arag.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland