Muqdisho (Xogsoormedia.com):- Madaxweynaha Dawladda Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud,ayaa maanta Muqdisho ka furay shirwaynaha higsiga 2016-ka oo ay markii hore ahayd in dalka Soomaaliya ay isla sanadka 2016-ka ka qaboonto doorashooyin ay dadwaynuhu ko soo doortaan Madaxda dalkaa hoggaamin doonta laakiin Xukuumadda Xasan Sheekh Maxamuud iyo Baarlamaanka dalka Soomaaliya ayaa shalay wada jir u sheegay in aanay Soomaaliya sanadka dambe suuragal ahayn in ay ka qabsoonto doorashooyin ay dadku codkooga ku soo doortaan Madaxweyne iyo Baarlaan.
Intaa ka dibna waxaa loo balamay in la qabto shir kale oo loogu magac daray shirwynaha higsiga 2016-ka isla markaana laga soo saarayo qodobo kale oo wax lagaga bedelay qorshihii hore ee ahaa in sanadka dambe dalka Soomaaliya doorashooyin xor ahi in ay ka qabsoomaan.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maaanta Muqdisho ka furay shir dhabbaha u xaadhaya in muddo kordhin loo sameeyo xilkiisa si uu mar si uu u sii ahaado Madaxweynaha Soomaaliya inta la gaadhayo in dalkaasi uu helo xasilooni suura galisa in ay asxaab siyaasadeed ka hana qaado oo ay doorashooyin ka qabsoomaan.
Shirweynaha maanta Muqdisho ka furmay oo ay wada jir u hoggaamin doonaan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ergayga u qaabilsan Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Soomaaliya Mr Key,ayaa waxaa kale oo ka soo qayb galay dublamaasiyiin ka socday beesha caalamka iyo ururka midawga afrika iyo urur goboleedka IGAD.
Waxaa kale oo ka soo qayb galay Maamul goboleedyada ka jira Soomaaliya.waxaana la filayaa in shirka ay ka soo baxdo muddo kordhinta uu doonayo in kursigiisa loogu sameeyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland