Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Labada Xisbi Mucaarid ee WADDANI iyo UCID,ayaa soo wada saaray go,aamada ka soo baxay shirkii ay dhawaan Hargeysa ku qabsadeen.
Shirka labada Xisbi Mucaarid go,aamada ka soo baxay ayaa ku taliyay in Madaxweynuhu si deg deg ah u fuliyo heshiiskii ay wada jirka u wada gaadheen asxaabta Mucaaridka iyo Xukuumaddu taasoo ay sheegeen in ay tahay sida kaliya ee ay dalka doorashooyin kaga qabsoomi karto.
Waxaa kale oo ay intaa raaciyeen asxaabta Mucaaridku haddii ay taasi dhici waydo in ay qasab ku noqonayso in ay beesha caalamka ka dalbadaan in ay soo faro galiso arrinta doorashooyinka Somaliland.
Hadaba qo,aamada ay labada xisbi soo wada saareen ayaa u dhignaa sidan.
- In Madaxweynuhu sida ugu dhakhsaha badan u fuliyo heshiiskii saddexda xisbi qaran ku heshiiyeen ee gogoshii madaxweynuhu fidiyay 26, May, 2015.
- Haddii madaxweynuhu fulin waayo heshiiskaas, waxaa muuqata inaanu madaxweynuhu rabin inay dalka ka dhacaan doorashooyin xor ah oo xalaal ah. Waxaa lagama maarmaan ah in aanu dalbanno in beesha caalamku na soo dhexgasho.
- Waxay labada xisbi go’aansadeen, in aanay aqbali doonin waxaan ahayn wakhtigii saddexda xisbi iyo xukumaddu isla qaateen ee ahaa December, 2015. Haddii xukumaddu fulin waydo heshiiskaas waxay labada xisbi ku noqon doonaan wakhtigii komishanka doorashadu cayimay ee ahaa in doorashada la qabto June, 01,2016.
- Inaanu go’aanka guurtidu waafaqsanayn dastuurka iyo sharciga Somaliland, sababtoo ah ma jiraan shuruudaha ku xusan qodobka 42-aad, farqadiisa 5-aad ee dastuurka ee sheegaya duruufaha doorashada dib u dhigaya. Inaanay guurtidu xaq u lahayn laalista wakhtiga komishanku cayimay, islamarkaana aanay xaq dastuuri ah guurtidu u lahayn cayimaada doorashada.
- Anagoo ka duulayna dhammaadka muddo xileedka madaxweynaha iyo golaha wakiillada, iyo go’aankii maxakamadda sare soo saartay ee ay ku amraysay in si degdeg ah loo soo afjaro khilaafka wakhtiga doorashada, waxaanu diyaar u nahay fulinta amarka maxakamadda.
- Shirku wuxuu go’aamiyay in nabada, xasiloonida iyo jiritaanka madaxbanaanida Somaliland tahay muqadas.
Waxaa go’aankaasi ku saxeexnaa Guddoomiyaha Ucid Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiyaha waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland