Obama Oo Isku Xidhay Hormuar Afrika Gaadho iyo Ku Dhaqanka Dimuquraadiyadda

0
347

Addis Ababa(Xogsoormedia.com):- Madaxweynaha dalka Maraykanka oo ku guda jira socdaalkii ugu horreeyay ee Madaxweyne Maraykan ahi isagoo xilka haya uu ku yimaado Itoobiya ayaa qudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay Xarunta Midawga Afrika ee Addis Ababa.

Waxaanu Madaxda Afrika u sheegay in aanay suuragal ahayn in waddammada Afrika ay horumar gaadhaan iyo isku filaansho inta ay Madaxdoodu diidan yihiin ku dhaqanka dimuquraadiyadda.

obama 55

Obama,ayaa Madaxda Afrika ku adkeeyay in ay ilaaliyaan xuquuqda aadamaha, isla markaana ixtiraamaan ku dhaqanka asxaabta badan iyo dimuquraadiyadda.

, ”Marka aan tixgalinno xornimada kuwa kale, dhamaanteen xor ayaan noqonaynaa.”

 

Madaxweyne Obama, waxa uu ku yidhi khudbadiisan, ”Waxa aan ku gudo jiraa xilligii 2-aad ee aan ahaa Madaxweynaha Maraykanka, aad baad ugu faraxsanahay shaqdayda, iyo waxa aan soo qabtay ee horumarka leh, waan jeclaan lahaa in aan mar kale isa soo sharaxo oo aan ka sii sheqeeyo horumarka, laakiin dastuurka ayaan ii ogalaanayn, waxa waajib ah in dastuurka la ixtiraamo, sidaa daraaded , waxaan ku faraxsanahay marka aan xilka ka dego, ee mudadda distooriga ah ee la i doortay ay dhamaato, Waxaan ka nafisi doonaa oo aan ka raysan doonaa illaaladan badan, waxaan ku faraxsanahay nolosha aan geli doono marka aan xilka ka dago, waxaan wakhti u heli doonaan in aan nafis iyo wakhti ku filan u helo in aan afrika soo booqdo, waxaan ku faraxsanahay in aan dastuurka ixtiraamo oo aanan xukunka isku sii dhajin.”

 

Sidoo kale waxa uu ku yidhi khudbasiisan, ”Horumarka afrika waxa uu ku xidhan yahay hadba sida ay hogaamiyaaasha afrika u ixtiraamaan in ay xukunka ka degaan marka uu xilligiidu dhamaado, iyo sida ay u ixtiraamaan dimoqraadiyada, xuquuqal insaanka iyo xoriyatal qowlka,Ma garanayo sababta hogaamiyayaasha Afrika ee xilligoodii hogaamintu dhamaatay ee sharciga jebinayaa ay iskugu sii dhejinayaaan in ay xukunka ku sii dheganaadaan si ay u sii urrursadaan lacago badan oo musuqmaasuqa ah. sidaa daradeed deganaanshaha iyo Horumarka qaarada afrika waxa ay ku xidhan tahay in hogaamiyayaasha Afrika ay xukunka ka degaan marka xilligoodu dhamaado”

 

”Waa In la soo af jaro musuqmaasuqa kansarka ku noqday Afrika, musuqmaasuqu kama jiro afrika oo kaliya, balse waxa uu sameeyay xitaa kuwa ganacsiga la sameeya Afrika, Dhinaca kale, Waxa muhiim ah in laga hor tago kuwa ku dhiinta diinta, run ahaantii malaayiin dad ah oo ku nool Afrika iyi duniduba waxay ka dharagsan yihiin in diinta Islaamku ay tahay diin nabadgelyo.”, ayuu Madaxweyne Barack Obama. ku yidhi khudbadiisan.

 

 

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

Abafgaab@hotmail.com

Hargeysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here