Madaxweynihii Hore Ee Maamulka Puntland Oo Ka Dareen Celiyay Somaliland Intii Uu Joogay Wixii Uu Kala Kulmay

0
405

Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Madaxweynihii hore ee Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud(Faroole),ayaa ka mahad celiyay sida diiran ee Shacbiga iyo Xukuumadda Somaliland u soo dhaweeyeen waxaanu tilmaamay in uu yimi dalkiisii oo aanu qariib ku ahayn Somaliland kol haddi xaaskiisii geeriyootay ka soo jeeday Somaliland.

Cabdiraxmaan Faroole oo ka hadlayay maanta qado sharaf uu ku maamuusay una sameeyay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici.

faroole iyo saylici

Dhinaca kale Madaxweyne kuxigeenka Somaliland ayaa tilmaamay in ay xil saaran tahay in ay sooryo qaran u sameeyaan soona dhaweeyaan Cabdiraxmaan Faroole oo uu sheegay in uu yahay oday Soomaaliyeed oo ka mudan Somaliland in ay sooryo shafeed iyo casuumadba u sameeyaan.

Madaxweynihii hore ee Puntland oo ugu horrayn ka hadlayay ujeedada socdaalkiisa uu ku yimi caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa yidhi.

“Madaxweyne xigeen, imaatinkayga halkan waad ka war haysaan oo wuxuu ahaa xidhiidh aan idin la soo sameeyay, oo aan u imid si gaar ah oo khusaysa geeridii xumayd ee naxdinta lahayd ee ku timid qoyskayga(Xaaskaygii).Qoyskayga oo u qaybsanaa Australia oo anigu aan joogay iyo Garoowe iyo Hargeysa, ayaan qaybtan Hargeysa ku soo gaadhay tacsi. Tacsidaas dadka iigu yimid ma tirin karo, waxaan hore u aqaanay oo asxaab ahayn, waxaanu qaraabo ahayn iyo dad ka mid ah dadweynaha iyo xukumadda. aad iyo aad baan uga mahadcelinayaa sidaas la iigu qadariyay intii aan halkan joogay, idinkana waan idiin hambalyaynayaa waanan idiin mahadnaqayaa dhammaantiin haddaad tihiin xukumad iyo shacabba” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Faroole.

Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa isna ka hadlay Munaasibada qado sharafta ah “ waxaa sharaf weyn noo ah inaanu halkan ku marti qaadno Cabdiraxmaan oo kolay ah Oday Soomaaliyeed oo halkan inala jooga. Sharaf bay noo tahay Madaxweynahana way is arkeen, markaa marti qaadkuu nagu lahaa uun baanu u samaynay” ayuu yidhi Madaxweyne Xigeenku.

 

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

Abafgaab@hotmail.com

Hargeysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here