Hargeysa(Xodsoormedia.com):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,ayaa ka hadlay sharciyadda Xukuumaddiisa dhamaysatay muddo xileedkii shanta sano ahayd ee la doortay kana hadlay arrimaha doorashooyinka,shirka mucaaridku qabsaday eedayna u jeediyay guddoomiyaha golaha Wakiiladda ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.
Madaxweyne Siilaanyo oo maanta warbaahinta la hadlay ka hor socdaal uu ugu kicitimay gobolada bariga dalka ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay tahay sharci isla markaana ay talada dalka haynayso illaa inta doorasho xilka lagagala wareegayo waxaanu intaa ku daray in ay tallaabo ka qaadayaan cid kasta oo isku dayda in ay sharciga ka hor timaado sida uu sheegay.
Waxaa kale oo uu ka hadlay heshiiskii ay asxaabta iyo xukuumaddu wada gaadheen oo uu ku tilmaamay in uu ahaa maslaxad diyaarna u yihiin in ay fuliyaan laakiin hirgalintiisa ayuu ku xidhay in ay Guurtidu sharciyayso.
“Go’aanka Guurtidu waa sharci, waana dastuuri,waxaana layaableh in gudoomiye C/raxmaan Ciro yidhaahdo waa sharci daro, waxaana la wada ogyahay in uu isagu ku fadhiyo korodhsiimada guurtida,kuna fadhiyey 5 sanadood oo hore. Waxaa muuqata in uu Gudoomiye Ciro leeyahay kursiga aan ku fadhiyaana waa xaraanka uu isagu ku fadhiyaan waa xalaal iyadoo guurtidu noo wada kordhisay balse shacabku indhahooda way qabaan oo dhegahooda way qabaan waxaana muuqata in hogaamiyayaasha mucaaradku kala korranyihiin,dhawaaqyada kasoo baxayaana ay muujinayaan in ay qaarkood ku degdegayaanh adalo dhiifleh oo niyad jabku ah shacbiga iyo jiritaanka qaranimada Somaliland.Sharciguna maaha wax qofku sida uu jecelyahay u turjunto ee waa sharci dalku leeyahay oo dadka ka dhexeeya.
Wixii ay xisbiyadu ku heshiiyeen ee madaxweyne-xigeenku ku dhex-joogay waxay ahayd heshiis ah maslax siyaasadeed waana u hogaansanahay,waana ixtiraamaynaa kamanaaanu bixin balse,weli lama sharciyeyn waxaana aanu leenahay aynu sharciyayno,oo guurtida ka dhiraan dhirinno.” ayaa ka mid ahaa hadalka Siilaanyo.
Socdaalka Madaxweyne Siilaanyo ayaa loo qaadan karaa mid uu indhaha bulshada kaga jeedinayo muranka siyaasadda maadaama bari oo 27, July ah ay kaga eeg tahay muddo xileedkiisii sharciga ahaa wakhtiga loo kordhiyayna wali muran ka taagan yahay.
Khudbadda Madaxweynaha Oo Dhamaystiran
Khudbada Madaxweynaha 26/07/2015
Asalaamu Calaykum Waraxmatulaah,
Waxaan Salaan iyo hambalyo u dirayaa dhamaan bulshada Somaliland meel-kasta oo ay joogaan, Salaan qiimo badanka dib waxaa maanta ii qorshaysan in aan safar kooban ugu baxo dalka gudihiisa aniga oo ka war helaya una kuur galaya mashariic horumarineed oo kasocota meelo badan.
Indhawayd waxaa dhegahayga kusoo dhacayay mucaaradka oo ka hadlaya arimaha doorashooyinka, qaar ku hanjabaya inay qarankan burburinayaan iyo qaar ka hadlaya go’aankii guurtida ee ay dhawaan mudada ugu kordhiyeen, golayaasha qaranka ee dastuuriga ah.
Arimaha Doorashooyinka.
Waxaan leeyahay anagu waanu diyaarinay wax kastaoo ay doorashooyinku u baahnaayeen, haday tahay dhaqaale, Xeerar, Komishinkii maamulayey, dhamaan waanaga diyaar, waxa keliya ee hadhsani waa Xeerka golaha wakiilada oo laga sugayo Gudoomiyaha golaha wakiilada. Wax kasta oo khuseeya maamulida arimaha doorashooyinka waxaa iska leh Komishinka doorashooyinka waana ku ixtiraamaynaa, waanaka sugaynaa ee dhamaanteenaan la shaqayno marka ay diyaariyaana qofkii danaynayaa ha u soo diyaar garowbo garoonka doorashada.
Go’aanka Guurtidu waa sharci, waana dastuuri,waxaana layaab leh in gudoomiye C/raxmaan Cirro yidhaahdo waa sharci daro, waxaana la wada ogyahay in uu isagu ku fadhiyo korodhsiimad aguurtida ,kuna fadhiyey 5 sanadoodoo hore. Waxaa muuqata in uu Gudoomiye Ciro leeyahay kursigaaan ku fadhiyaana waa xaraan ka uu isagu ku fadhiyaan waa xallaal iyadoo guurtidun oo wada kordhisay balse shacabku indhahooda way qabaan oo dhegahooda way qabaan waxaana muuqata in hogaamiyayaasha mucaaradku kala korran yihiin,dhawaaqya daka soo baxayaana ay muujinayaan in ay qaarkood ku degdegayaan hadalo dhiif leh oo niyad jabku ah shacbiga iyo jiritaanka qaranimada Somaliland.
Sharciguna maaha wax qofku sida uu jecelyahay u turjunto ee waa sharcidal ku leeyahay oo dadka ka dhexeeya.
Wixii ay xisbiyadu ku heshiiyeen ee madadaxweyne-xigeenku ku dhex-joogay waxay ahayd heshiis ah maslax siyaasadeed waana u hogaan sanahay ,waana ixtiraamaynaa ka manaaanu bixinbalse, weli lama sharciyeyn waxaan aaanu leenahay aynu sharciyayno,oo guurtida ka dhiraan dhirino.
Dawladaydu waa sharci, way jirtaa waanay, jiri doontaa waxaana xil ka igala wareegi doona dawlad lasoo doortay oo sharci ku timaada. Dalkana masuuliyadiisu anagayna saran tahay, Cid kasta oo sharciga gudub marta oo iska indhatirtaa waxaanu kaqaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan oo aanay mahadin doonin cawaaqib keeda.
Waxaan bulshada Somaliland kula dardaarmayaa isku duubnida, illaalinta nabad gelyada iyo inay gacmaha isu, qabsadaan,horumarka dalka.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland