“Dadku Xaqbay Noogu Leeyihiin Aniga iyo Isagaba In Aanu Kuraasida U Bannayno.” Guddoomiye Cirro Oo Ka Jawaabay Eedo Siilaanyo U Jeediyay

0
332

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro),ayaa jawaab ka bixiyay eedayn uu Madaxweynaha Somaliland maanta u jeediyay islamarkaana iska baraxay dhamaystirka xeerka lagu soo dooranayo mudanayaansha Wakiilada oo isaga lagu eedeeyay

 

Guddoomiye Cirro oo arrimahaas iska difaacaya ayaa yidhi “Waxaan u malaynayaa inaan la soo helayn meel aan ku idhi Kursigayguna waa xalaal ka madaxweynuhuna waa xaaraan. Madaxweynuhu wuxuu yidhi waddanka anigaa ka masuul ah, anaguna intaas uun baanu lahayn oo aanu ku celcelinaynay. Madaxweyne dalka adigaa ka masuul ah, doorashadii adigaa ka masuul ah, nabad galyadiisa adigaa ka masuul ah ee madaxweyne doorashadii qabo.

Daawo: Guddoomiye Cirro Oo Ka War Bixiyay Qorshayaasha Xisbiga WADDANI iyo Siday Qabyaaladda Ula Dagaalamayaan

 

Guddoomiye Cirro, oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Wax walba wakhti ayay leeyihiin, Waxaanu soo jeedinaynay uun in Madaxweynuhu doorashada qabto. Umaddu inaanu kuraasta u bannayno xaq bay noogu leedahay kayga iyo kiisaba”.

 

Mudane Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu intaasi raaciyay “Arrinta doorashada xilkeedu madaxweynaha ayuu saaran yahay. Xeerarku 99% waxay ka yimaadaan dawladda. Xeer aan anigu gacanta ku hayaana ma jiro. Sida madaxweynaha iyo xildhibaanadu ku doodaan 54 Mudane ayay xukumadda ugu jira golaha ee hadday  Madaxweynaha ka dhab tahay in xeerka la ansixiyo  54-taas Mudane ayaa ku filan, bari ha amro mudaneyaashiisa kadibna ha la ansixiyo”

 

Guddoomiyaha golaha wakiillada ayaa sheegay inaanu isagu lahayn masuuliyadda xeerkan “Anigu waan guddoomiyaa ee waxaan gacanta ku hayaa ma jiro, meesha waa la soo dhigaa waa laga doodaa, diyaar baanuna u nahay wixii ku xidhan golaha in nidaamkiisa la mariyo, xeerkana la keeno laakiin, mar walba waxaan rumaysnahay in carqalada ugu weyn ee xeer dejinta haysataa tahay faro galinta Xukumadda”

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@qmail.com

abafagaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here