Shirka Asxaabta Mucaaridka Oo Maanta Si Rasmi Ah Uga Furmay Hargeysa

0
345

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Shirla Asxaabta Mucaaridka ayaa maanta si rasmi ah uga furmay Hargeysa

Hogaanka sare ee labada Xisbi Mucaarid iyo masuuliyiinta gobolada ee WADDANI iyo UCID iyo siyaasiyiinta ku bohoobay madasha wada tashiga,culima awdiin salaadiin iyo dad wayne aad u tiro badan ayaa maanta ka soo qayb galay furitaanka shirka labada xisbi mucaarid qabteen ee ka furmay Hotel Dalxiis ee magaalada Hargeysa.

shirka mucaaridka

Shirka ayaa socon doona laba maalmood isla markaana lagaga wada hadlo doonaa xaalada dalku marayo iyo arrimaha doorashooyinka.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo madasha shirka furitaankiisii ka hadlay ayaa sheegay inaan shirka lagaga wada hadlayn maasiirka ummadda kaasoo uu tilmaamay in dadka reer Somaliland 91 masiirkooda ka wada hadleen isla markaana ku goosteen gooni isu taagga Jamhuuriyadda Somaliland mar dambena aan laga hadlayn oo uu meel yahay masiirka ummadda laakiin waxa laga wada hadlayaa ay tahay maxaa dalka ka qaldan iyo side loo saxayaa wixii qaloocan.

“Arrimaha ugu waaweyn ee ina haysta waxaa ka mid ah Haykalkii dawladnimo ayaa inaga baaba’ay. Waxaa inaga baaba’ay hay’addihii dawladnimada. Waxay ku baaba’een wakhtigoodii oo ay dhaafeen, Wakiillada markii saddexaad baa loo kordhinayaa, guurtidu 20 sannadood bay fadhidaa, xukumaddiina hadda ayay ka dhammaanaysaa” ayuu yidhi Eng Faysal.

 

Eng Faysal oo sii hadlaya waxa uu yidhi “Kulankeenan waa inaynu kaga hadalno waxyaabaha xundhurta ah ee inaga khaldan. Waa in laga hadlaa Dastuurka oo dib loo eego, waa in laga hadlaa guurti ma u baahannahay, waa in laga hadlaa Wakiilada, waa in laga hadlaa Salaadiintan Siyaasiyiinta noqday, waa in laga hadlo xukumadda iyo xisbiyada oo bilaa nidaam ah oo la iska wada garab hadlayo, waa in Nidaamka laga hadlo umad bilaa nidaam ahi dal ma dhisi karto, waad aragtaan dawladihii hoose ayaa baaba’a ah oo aynaan biyo iyo laami midna haysan.”

 

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Cabdiraxamaan Maxamed Cabdilaahi ayaa isna faah faahin ka bixiyay sababta keenay in labada xisbi mucaarid ay qabtaan shirkan

 

 

 

Guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa isna ka hadlay ujeeda keentay kulankan “Maxaa kallifay inaynu shirkan qabanno?, shirka inaynu qabanno oo talo is waydiino waxaa kallifay kadib markii heshiiskii Asxaabta iyo xukumadda ee shacbigu ku farxay ee soo afjaray khilaafkii muddo kordhinta xukumaddu ka baxday, kadib markii xukumadda Somaliland ku fashilantay inay taariikhdii ku qabato doorashooyinka, kuwaas oo bedeli lahaa hay’addaha dastuuriga ah ee Somaliland, hadday tahay baarlamaan iyo hadday tahay madaxweyne ba, kadib markay u muuqatay inaanay xukumaddu rabin inay doorasho qabato, taas oo khatar galin karta nidaamka geedi socodka Jamhuuriyadda Somaliland, kadib markii ay u muuqatay in dalkani ku jiro marxalad adag oo u baahan talooyinkii lagaga bixi lahaa. “

 

 

Guddoomiyaha Waddani oo sii hadlaya waxa uu yidhi “Waxay laba xisbi ku qanceen inay tahay xilligii ugu haboonayd in la qabto shir talo la isku waydiinayo. Talooyinkaas oo hufan oo aan cidna loogu dan lahayn in lagu maago laakiin, lagu badbaadinayo qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa halkan yaala hawlo badan ama kuwa doorashada ha noqdeen ama kuwa wakhtiga doorashada ha noqdeene. Qarankan waxaa masuul ka ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, markaa mushaakilkaa is biirsaday waxay waajib ku tahay Madaxweynaha Somaliland inuu soo bandhigo sidii looga bixi lahaa, anaguna waxaanu ku biirin taladii lagaga bixi lahaa”.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here