Somaliland iyo Ingiriiska Oo Heshiis Kala Saxeexday

0
341

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Xukuumaddaha Somaliland iyo Ingiriiska ayaa kala saxeexday ka dib markii kulan wada qaateen Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Axmed Maxamed Silaanyo iyo wefti uu hogaaminaayo Wasiirka Dawlada ingiriiska u qaabilsan xidhiidhka horumarinta caalamiga ah Min. Grant Shapps, oo Somaliland booqasho u yimi.

Kulankan oo ahaa mid lagaga wada hadlay xidhiidhka qotada dheer ee u dhexeeya Somaliland iyo Ingiriiska ayaa lagu soo qaaday xidhiidhka wada shaqayneed ee dhinacyada nabadgelyada mandaqada geeska afrika, xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee labada dalka ka dhexeeya.

siilaanyo iyo ingiriiska

Iyada oo markii danbena la kala saxeexday heshiis la xidhiidha kaalmada ingiriisku ka geysto sanduuqa horumarinta Somaliland ee loo soo gaabiyo SDF, iyo Mashaariico horleh oo ay ka mid yihiin biyo gelinta dalka, Laydka iyo tamarta.

Waxaana heshiiskan labada dal u metelaayey wasiirada Arrimaha Dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo wasiirka Ingiriiska u qaabilsan xidhiidhka horumarinta caalamiga.

 

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay inay weftiga Ingiriiska ka wada hadleen mashruuca sanquuqa horumarinta Somaliland(Somaliland development fund), sidii dib loogu bilaabi lahaa wada hadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo Somalia oo ay qayb ka noqdaan wadamada Ingiriiska iyo kuwii hore u bilaabay.

 

 

Wasiirka Dawlada ingiriiska u qaabilsan xidhiidhka horumarinta caalamiga ah Min. Grant Shapps, ayaa isna sheegay inuu ka mahadcelinayo soo dhawaynta loo sameeyay iyo kulanka madaxweynaha. Waxa uu sheegay inay arrimo door ah isla lafo gureen, kuna dhammaadeen is af garad iyo midho dhal. Waxa uu sheegay in arrimaha laga wada hadlay ay ka mid ahaayeen ganacsiga iyo ammaanka oo dan u ah labada dal.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmailcom

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here