Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Xisbi Xaakimka Somaliland ee KULMIYE,ayaa qodob ka xushay go,aankii Maxkamada Sare ee Somaliland ay maanta ka gaadhay dacwad ay u gudbiyeen labada Xisbi Mucaarid.
Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo caawa qoraal warbaahinta loogu talo galay ka soo saaray magaalada Hargeysa ayaa lagu sheegay in Xisbiga KULMIYE soo dhawaynayo go,aanka ka soo baxay Maxkamadda Sare isla markaana wuxuu gaar u xushay guddoomiyaha KULMIYE qodobka sadexaad eek u jiray go,aamada ka soo baxay Maxkamadda Sare oo ka hadlaya muranka ka taagan arrimaha doorashooyinka.
Qoraalka uu soo saaray Guddoomiye Muuse Biixi oo dhamaystiran ayaa u dhignaa sidan.
“Xisbiga KULMIYE waxa uu soo dhawaynayaa go’aanka ay soo saartay Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland maanta oo taariikhdu tahay 23/07/2015, waxaannuna diyaar u nahay in aannu ugu dhaqanno sidiisa.
Waxa kaloo aannu si gaar ah u soo dhawaynaynaa qodobka saddexaad ee go’aanka Maxkamadda Sare ee amraya in dhinacyada doorashadu khusaysaa soo afjaraan muranka taagan.
Sidaa darteed xisbi ahaan waxaannu jecelnahay in arrintaasi laga midho-dhaliyo, iyadoo horeba KULMIYE uu ugu jirnay sidii loo dhammayn lahaa khilaafkan, waxaannuna ugu baaqaynaa xisbiyada mucaaradka ah inay nalaga hawlgalaan dhammaystirka iyo hirgelinta heshiiskii hore loo galay.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland