Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Golaha Guurtida Somaliland,ayaa gudiga doorashooyinka sheegay in ay Maxkamad hor geyn doonaan haddii ay mar dambe sharci darro ku tilmaamaan go,aanka muddo kordhinta ee ay goleyaasha u sameeyeen.
Afhayeenka golaha Guurtida Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho Indho) waxaa kale oo uu intaa ku daray in go,aankuugu uu yahay sharci isla markaanaanu ahayn wax dhex dhexaadin laga gali karo iyo shaqo u taalla gudiga doorashooyinka waxaanu u soo jeediyya komishanka doorashooyinku in ay qabsadaan shaqadooda oo ay dalka oo dhan ka qabtaan doorashooyin xor iyo xalaal ah isla markaana deegaamadii aanay hore doorashooyinku uga dhicin ay ka hawl galaan.
Ugu horrayn xildhibaan Indho Indho oo aanu waydiinay ka gole ahaan waxa uga meel yaalla dhex dhexaadinta uu ku dhawaaqay gudiga doorashooyinku ee ku saabsan muddo kordhintii ay guurtidu samaysay,waxaanu ku jawaabay. “Horta waxa komshanka isu kaaya keenaaba waa qalad waayo maba quseeyo go,aanka guurtidu shaqadoodana kuma jirto muddo kordhin markaa waxaan leeyahay nimankaa shaqadiina qabsada oo dalka deegaamadii aanay doorashooyinku ka dhici jirin gaadhsiiya taasaa la idiin igmaday e oo dalka doorashooyin xor iyo xalaal ah ka qabta midna waan idiin sheegayaa(gudiga doorashooyinka) ee haddaad sharciga ka xishoon waydaan maxkamad ayaan idin soo taagi doonaa marar nabad ayaan maqlay nimankaasi iyagoo leh muran, muran,muran, hadday go,aanka guurtida mar dambe muran ku sheegaan sharciga ayaan a tiigsan doonaa komishanku labada goor ee dalku muranka galayba iyaga ayaa galiyay markaa shaqadooda wax dhaafsiisan hadday ku dhaqaaqaan jiritaankooga ayay halis ku tahay.”
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland