Hargeysa(Xogsoormedia.com):Prof Cali Khaliif Galaydh oo ah hor joogaha kooxda la baxday Khaatumo State oo ku dooda in ay ka mid yihiin Maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa quus ka muujiyay isla markaana meesha ka saaray in Soomaaliya dib u midawdo taasoo uu sabab uga dhigay in kala go,a Soomaaliya laga wado Muqdisho oo aan waxba loo ogolayn dadka reer Somaliland ee midnimada iyo Soomaaliwayntu ay madax martay.
Waxaa kale oo uu intaa ku daray in reer Soomaaliya ay yihiin kuwa kala goynayana Soomaalida ee doonaya in ay Somaliland gaar isu taagto.
Prof: Galaydh ayaan sheegin in quusta uu ka joogo Soomaaliweynta uu ku dheganyanay ay sabab u noqon doonto in uu u soo noqdo gooni isu taagga Somaliland oo uu wax la qabsado.
“Waagii dagaalkii 2-aad ee aduunku dhammaaday ayaa niman Soomaali ah oo Cadan ku noolaan jiray Burco yimaadeen, dabeed iyagoo meel maraya ayuu nin bahal heesaha laga dhegaysan jiray saaray hees Hindi ah, dabeed nimankii oo heesta Cadani ugu dambeysay ayaa yidhi “Waar ma Cadan baa laga heesayaa mise anagaa waalan”, mida aan arrintaas uga socdaa waa mid aad iyo aad iyo aad noo taabanaysa haddaanu nahay reer Khaatumo, haddaanu nahay inta reer waqooyiga ah ee midnimada Soomaalida rabta. Su’aasha meesha taal waxa weeye maxaa loogu talo galay dadka soomaalida ah ee ku nool waqooyiga ee midnimada Somalia rabta.”
Prof: Ga;aydh ayaa intaa ku daray isagoo hadalkiisa sii wata.
“Aniga waa la igu yaqaan waanan eedaye warkayga waan caddaystaa!, waxaa muuqata in kala go’a Somalia inuu koonfur ka socdo.kala go’a Somalia meesha lagu eedaynayo Somaliland, waxaaba la shaqaynaya koonfur Soomaaliyeed. Koonfur baan qirayn dadka Soomaalida ah ee waqooyiga ee u dhimanaya midnimada Somalia.haddii sida muuqata dadkaas ooda laga soo rogto eeda yaa leh?, taariikhda ayaa sheegi doonta” ayuu yidhi Cali Khaliif.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland