Guurtida Oo Ku Gacan Saydhay In Ay Wada Hadal Cidnaba Kala Gasho Muddo Kordhinta Ay Samaysay

0
386

Hargeysa(Xogsoor):-Golaha guurtida Somaliland, ayaa meesha ka saaray in ay wax wada hadal ah ka gelayaan muddo kordhinta ay u sameeyeen golayaha wakiilada iyo Xukuumadda waxaanay intaa ku dareen in ay arrintoodu tahay sharci.

Afhayeenka golaha Guurtida Somaliland Cabdiqaadir Maxamed Xasan (indha indho)waxaa kale oo uu intaa ku daray in cidda ay u kordhiyeen oo kaliyana ay qushayso muddo kordhintu oo aanay u oolin in ay ka hadlaan asxaabta mucaaridku.

indho

Waxaa kale oo uu intaa raaciyay in ay qusayso muddo kordhintu golaha Wakiilada iyo Madaxweynaha haddii ay Xukuumadda iyo wakiiladu dood ka qabaanna ay tahay in ay dacwad u gudbiyaan Maxkamadda Sare.

“Wax wada hadal ah oo aanu arrinkaas xukumadda iyo xisbiyada midna kala galaynaa ma jiro. Waa go’aan sharciyadeed, haddii madaxweynuhu dood ka qabana ha geeyo Maxakamadda sare, waxaanu ka bixin doonaa fasiraade. Golaha wakiilladuna hadday dood ka qabaan ha fadhiisteen oo go’aan ha soo saareen oo maxakamadda ha geeyeen laakiin, dad shicib ah go’aankayaga khilaaf ku sheegi maayaan tanaasulna kala gali mayno. Anagu xisbiyo umaanu kordhin, madalna umaanu kordhin dad shicib ah oo suuqa joogana umaanu kordhin, Madaxweynaha iyo Wakiilladuna xaq bay u leeyihiin inay ka dacwoodaan go’aankayaga” ayuu yidhi Indho-indho.

 

Hadalka afhayeenka Guurtida ayaa ka dambeeyay ka dib markii ay gudiga doorashooyinku sheegeen in ay dhex dhexaadin ka gelayaan muranka ka dhashay muddo kordhintii ay guurtidu samaysay iyo heshiiskii ay asxaabta qaranku wada gaadhay.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here