Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac(Xuuto)ayaa sheegay in ay Xukuumadda ka wada hadleen iskuna raaceen in aan la xidhi Karin wariyeyaasha haddii aan loo soo marin sifo sharci ah oo xalaalaynaysa xadhiga wariyaha.
Waxaa kale oo uu ka hadlay wariyeyaal maanta boolisku xidheen oo uu la sii daayay markii dambe.
“waa la siidayay waxanay ahaayen Shan baanay ahaayeen oo imika debaday joogaan, inta laxidhayba aniga ka hawl galay oo siidaayay waxay qabaana ma jiraan,Xukuumadda Somaliland waxaanu hishiis ku nahay inaan la xidhin ilaa iyo qaabka sharciga ah lomarin hadii ay xidhaana inay sidaayaan isla saacada markaanu kawarhelee aanu kala hadalo “ayuu yidhi Guddoomiyaha Solja
Waxaa kale oo uu intaa raaciyey guddoomiye Xuuto “wax aanu ka leenahay in aan wariyaha la xidhi Karin hadii aan loo soo marin qaabka sharciga ah hadii la xidhona markiiba xorriyadiisa loo soo celiyo, Xeerka saxaafadda ee Somaliland-na waxaa uu dhigayaa inaan wariryaha la xidhi Karin ilaa la maro qaabka sharciga ah ee Dacwadda”
Magacyadda wariyeyaasha la xidhay iyo Warbaahinta ay ka kala tirsanayeen
Agaasimaha Telefishanka Star, Xamse Cali Bulbul
Khadar Macalin Deeq oo ka tirsan Telefishanka Bulsho -Tv
Nagiib Cabdi Laahi Colaad Telefishanka Bulsho-tv
Mukhtaar Mursal Xiin HC-tv.
C/qaadir Adan Carab, Wargeyska Somalilandtoday.
Cabdirixiin Ismaaciil, wepsite Togaherer
Maaha markii ugu horraysay ee Xukuumadda Somaliland ay wariyeyaal xidho laakiin tallaabadan ayaa ah mid soo noq noqotay.