Hargeysa(Xogsoormediacom):-Alle ha u naxariistee Sheekh Cabdillaahi Diiriye Sooraan, ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa kadib markii uu muddo xanuunsanaa.
Marxuums SheekhSooraanayaamaantalagu aasay xabaalaha naasa hablood ee magaaladaHargeysa.waxaanaaaskiisakasooqayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay hormuud ka ahaayeen culimada dalka ee ku sugan magaalada Hargeysa.
Waxaa kale oo ka qayb galay jinaasadda aaska Marxuum Cabdilaahi Diiriye Xubno ka mid ah golaha Wasiirada iyo fannaaniin aad u tiro badan
Sheekh Cabdilaahi Diiriye Sooraan ayaa muddooyinkii dambe waxaa uu mu,adin ka ahaa mid ka mid ah masaajiidda waaweyn ee dalka.
Isagoo marxuumku ka mid ahaaa aasaaseyaashii rukumada u taagay fanka Soomaalida markii ugu horraysayna waxaa uu ka mid noqday kooxdii la odhan jiray walaalaha Hargeysa.
Alle ha u naxariistee Sheekh Cabdilaahi Diireye Sooraan, ayaa ifka kaga tegay 12 caruur ah iyo laba xaas.
Innaalilaahi wa inaa ilayhi raajicuun
Hargeysa Somalilnad