Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Labada xisbi Mucaarid ee UCID iyo WADANI,ayaa maanta u gudbiyay Maxkamadda Sare ee Somaliland dacwad ka dhan ah Xukuumadda oo ay kaga cabanayaan go,aan ay Xukuumaddu kaga joojisay shirar ay qabsan lahaayeen oo ay ku sheegreen in ay kaga tashanayaan aayaha dalka.
Labada Xisbi Mucaarid ee WAADNI iyo UCID ayaa ku dooday in ay sharci u leeyihiin in Asxaabta qaranku ay qabsan karaan shirar ay kaga wada tashanayaan xaalada dalka iyo masiirka qaranku uu sii ahaanayo kadib marka ay dhamaato muddo xileedka Xukuumaddu.
Labada Xisbi mucaarid iyo madasha Wada Tashiga ayaa shalay ku baaqay in ay maalinta berry ah qaban doonaan shir aayo ka tashi ah taasoo ay ku sababeeyeen in ay Madaxweynaha jawaab cad ka waayeen oo uu fulin waayay heshiiskii ay asxaabta mucaaridka iyo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
Hadaba halkan ka akhriso qoraalka ay labada Xisbi mucaarid u gudbiyeen Maxkamadda Sare ee Somaliland
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somalilnad