Baardheere (Xogsoormedia.com):- Kooxda Al-Shabaab,ayaa maanta laga qabsaday oo lagala wareegay magaalada Baardheere oo ay muddo toboda sano ah ka talinayeen ka dib markii ay weerar ku qaadeen cidanka Soomaaliya iyo kuwa dalka Kenya oo qayb ka ah ciidamadda midawga afrika ka sooga Soomaaliya ee AMISOM.
Mid ka mid ah dadweynaha reer Baardheere oo ay waraysatay laanta afKa Soomaaliga ee VOA.da ayaa u sheegay in aan magaalada wax dagaal ahi aanu ka dhicin isla markaana ciidanka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo aad u hubaysani ay soo galeen kadib markii ay iskaga bexeen kooxda Al-Shabaab
“Baardheere waxaa goordhawayd soo galay ciidammo Soomaali iyo AMISOM ah oo hub fara badan wata. Xoogaggii Al-shabaab way ka baxeen degmada markii ay ku soo dhawaadeen ciidamadan is-bahaysanaya,” ayuu yiri Goobjooge magaciisa sababo amni u qariyay oo ku sugan Baardheere.
Sidoo kale, Col. Cabbaas Ibraahim Gurey oo ka mid ah Saraakiisha Hogaaminaya ciidanka Maanta la Wareegay Magaalada Baardheere ayaa Sheegay in ciidanku ay dhinaca Galbeed ka galeen Degmada, ayna ku sugan yihiin Buundada.
“Waxaan Hadda ku Suganahay Buundada Baardheere, Kooxihii horay ugu Sugnaana way isaga baxeen, waayo ciidamada aan wadanno kama hor-imaan karaan, degmada gacanteena ayay ku jirtaa,” ayuu yiri Col. Cabbaas oo isagoo ku sugan Baardheere u waramayay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da.
Waxaa kale oo soo baxaya warar sheegaya in ciidanka AMISOM ee qabsaday lana wareegay gacan ku haynta magaalada Baardheere in ay gaysteen tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha laakiin wararkaa cid madaxbannaan oo xaqiijisay ma jirto.
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somalilnad