Hargaysa(Xogsoormedia.com):- Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada Somaliland Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse) ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in Somaliland ay ciidamo geynayso dalka Sucuudiga lana mid noqda kuna biira isbahaysiga dagaalka kula kooxda Xuutityynta.
Waxaanu si adag ugu jawaabay mucaaridka oo Xukuumadda ku dhaliilay ciidan la sheegay in Somaliland ay u dirayso dalka Sucuudiga.
“Hadaanu nahay Wasaarada Arimaha Dibada iyo Xukuumada Somalilandba waxaanu idiin sheegaynaa inaanay waxba ka jirin halkana ka cadaynaynaa waxa ciidan Ah
Intaas waxa uu raaciyay wasiir ku xigeenka Arimaha Dibada Somaliland.”Nimanka Caadaystay niman odhan maayo masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka waliba wada odhan maayo ee qaarkood waxa ay soo cel-celiyaan in Ciidamo laga qorayo Somaliland kuwaas oo lagaynayo sacuudiga shacabka somaliland waxaan leeyahay waxaasi waxba kama jiraan waa been Qaawan.
Mar uu shacabka Somaliland la hadlayay waxaa uu yidhi.
“Shacabka waxaan u cadaynayaa inaanay waxba ka jirin oo warkaasi yahay been cad,masuuliyiinta Mucaaradka waxaan fari lahaa in ay ka waan toobaan waxaan jirin ee ay dalka ka fidinayaan Dalka somaliland.”
Dhinaaca kale Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami,ayaa hore u caddeeyay hore u sheegay in Somaliland ciidamo ka socdaa dalka Sucuudiga ay u tegayaan tababar isla markaana ku soo noqon doonaan dalkooga .
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland