“Macquul Maaha In Dimuquraadiyadda Somaliland U Dabranaato Dagaalada Soomaaliya.”Jenny Sonesson

0
275

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Jenny Sonesson oo ka mid ah hoggaanka sare ee Xisbiga liberal –ka ee dalka Sweden,ayaa dalkeeda iyo midawga Yurub ugu baaqday in ay aqoonsadaan jamhuuriyadda Somaliland waxaanay intaa ku dartay in Somaliland ay tahay dawladda kaliya ee ka jirta dalalka Geeska Afrika ee ay ka dhacday doorasho dimuquraadi ah oo ay hogaanka waddanka hayso Xukuumad la soo doortay oo dadwaynuhu u codeeyeen.

Jenny Sonesson oo ah siyaasiyad dalkeeda aad looga tix galiyo isla markaana xilal badan ka soo qabatay ayaa shalay Wargeyska caanka ah ee Dagens Industri ee ka soo baxa dalka Sweden waxay ku qortay war aad u dheer oo ay kaga hadlayso Somaliland iyo waxay qabsatay iyo hanka siyaasadeed ee hoggaanka dalka oo ay sheegtay in uu yahay mid aan caalamka ka doonayn in ay caawimooyin waydiistaan laakiin diyaar u ah in ay wax qabsadaan isla markaana soo jiitaan maalgashadayaal caalami ah.

siyaasiyad

Waxaa kale oo ay dawladda dalkeeda iyo midawga Yurub ku canaanatay in Dimuquraadiyadda Somaliland ay u dabranaato Soomaaliyada dagaaladu aafeeyeen ee aan lahayn nidaam dawladeed oo meel kaliya ka shaqeeya.

Waxaa kale oo ay ka hadashay Somaliland gobolka ay ku taallo dhibaatooyinka ka jira iyo sida ay uga dhex baxday una tahay dawlad ka duwan duruufaha ku xeeran

“Anigu waxaan Somaliland booqday laba goor waxaanan u qushuucay waxay qabsadeen shacabka Somaliland. In dimuqraadiyad laga dhiso gobal ku calaamadsan meelaha dunida ugu qaska badan waa guulaha ugu badan ee ay dimuqraadiyadu gaadhay waxaanay u qalmaan in indho gaar ah dibadda lagaga eego. Waa in Sweden iyo Midowga Yurub aqoonsadaan Somaliland.”

 

Jenny oo qoraalkeeda sii watada ayaa intaa ku dartay “Somaliland waxay doonaysaa inay Geeska Afrika ka dhisto qaran shaqaynaya oo la dagaalama argagixisada. Gobalka Geeska Afrika dawladda keliya ee si dimuqraadi ah loo doortay waa Somaliland.”

 

Waxaa kale oo ay qoraalkeeda kaga hadashay warbixin 2006-kii ay soo saareen Mdiwoga Afrika oo ay ku sheegeen in Somaliland ay buuxisay dhamaan shuruudihii looga baahnaa ee lagu aqoonsan lahaa dawladnomada qaranka Somaliland waxaanay intaa ku dartay in dad ka mid ah Midawga Afrika oo aanay ka hir galin dimuquraadiyadu oo ay ku sheegtay in ay ka jiraan nidaam kali tasyo ahi in ay hor taagan yihiin aqoonsiga Somaliland waxaanay dawladda Sweden ugu baaqday in ay aqoonsato Somaliland isla markaana qadiyadda Somaliland hor geyso oo ay kaga dodo miiska midawga Yurub.“Midowga Afrika wuxuu sheegay inay Somaliland buuxisay shuruudihii aqoonsi ee qaran. Laakiin wadamo ka tirsan Midowga Afrika oo ah keligii taliyayaal ayaa doonaya inaanay Somaliland noqon qaran madaxbanaan. Sweden oo aqoonsatay Falastiin, waa inay Midowga Yurub dhexdiisa uga shaqaysaa sidii Somaliland loo aqoonsan lahaa.”

 

Jenny Sonesson waxaa kale oo ay qoraalkeeda kaga hadashay hanka Siyaasiyiinta Somaliland iyo himilada hoggaanka dalka. “Siyaasiyiinta Somaliland ee aan la kulmay waxay dhisayaan qaran shaqeeya oo tusaale u noqda Geeska Afirka iyo gobalka oo dhan. Ma baryayaan caawimo, waxay doonayaan inay soo jiitaan maalgashadayaal caalami ah. Waxay doonayaan inay la dagaalamaan aragagixisada iyo budhcad badeeda.”

 

Ugu dambayn waxay qoraalkeeda ku soo gunaanaday, “In badan oo ka mid ah qurbe joogtu waa inay noqdaan oo ay dhistaan waddankooga. Macquul maaha in dimuqraadiyada Somaliland ay u dabranaato dagaalada Somaliya. Haddii ay Sweden run ka tahay taageerista xuquuqda aadamuhu iyo ganacsiga Geeska Afrika waa inaynaan ka aamusin Somaliland oo u taagan la dagaalamka Al-Shabaab.”

 

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here