Guddoomiyaha Gobolka Awdal Oo La Wareegay Dab-damisyo Laba Sano Maamul La Wareega Loo La’aa Amarna Ka Soo Laamaha Dawladda Ee Aan Shaqayn

0
324

“Caqli maaha in lacagtii loogu talo galay gurmadka hooyada lagu kireeyo baabuur Hargeysa iska joogta.”

“Ka yeeli mayno dhakhaatiirtu in ay aragtidooda dadka lacag kaga qaadaan islaanta basasha iibisa canshuurta ay bixisana mushahar aanay ugu shaqayn qaranka kaga qaataan.” Guddoomiyaha Gobolka Awdal

 

 

Hargaysa(Codka):-Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cale Saleebaan (Ramaax),ayaa si adag uga hadlay guud ahaan laamaha dawladda ee gobolka Awdal oo uu sheegay in ay badan koogu yihiin fadhiid aan qaban adeegii shaqo ee ay gobolka u hayeen waxaanu ballan ku qaaday in uu tallaabo ka qaadi doono masuulkii shaqadiisa gudan waaya wasaaradda uu u joogaana wax ka qaban waydo.

 

Guddoomiye Ramaax waxaa kale oo uu ka hadlay ay waajib tahay in laga wada shaqaysiiyo laamaha dawladda isla markaana aan la aqbali doonin nin la iska soo magacaabo oo shaqada dawladda ee dadka loogu adeegayo ku mushahar qaata isla markaana aan ummadda u shaqayn.

Waxaa kale oo uu la wareegay shalay laba gaadhi oo dab-damis ah oo muddo laba sano ah magaalada Boorame yaalay oo maamuladii ka horreeyay lagu aamini waayay ku wareejintooda taasoo ay sabab u ahayd in looga baqay in ay labada gaadhi ee dab-damiska ahi dayacmaan, Dab-damisyadaas oo ay qurba joogga reer Awdal iyo dad ganacsato ahi iska kaashadeen soo iibintooda.

“Maanta waxaan la wareegnay Maaamul laba gaadhi oo dab-damis ah oo gobolka loo soo iibiyay oo muddo laba sano ah magaalada yaallay oo uu gacanta ku hayay Sheekh Xasan Daheeye oo uu waayay Maamul uu ku wareejiyo oo ka kafaalo qaada labadaa gaadhi ee gurmadka masiibiiyonka dabka ah oo ay qurba jog iyo dad ganacsato ahi iska kaashadeen soo iibintooda.”ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Awdal oo shalay warbaahinta la hadlayay

Waxaa kale oo uu ka hadlay xaaladda Cisbitaalka guud ee Boorame iyo gaadhi Ambalas ah oo Madaxweyne Siilaanyo Cisbitaalka ugu deeqay oo uu ku wareejiyay maamulka Cisbitaalka guud.

“waxaa kale oo aanu Cisbitaalka guud ee Boorame ku wareejinay gaadhi ambalas ah oo Madaxweynuhu ugu deeqay,laakiin Maamulka Cisbitaalka uga dul qaadan mayno in shaqdiisu ay fadhiid noqoto oo raga dhakhaatiirta ka ah ee shaqaalaha dawladda ahi ay ka soo xaadiri waayaan pp mid waliba uu cisbitaal uu leeyahay dadka lacag aragtidiisa kaga qaato,hooyada tamaadhada iibisaa canshuurta ay bixisana uu mushahar qaranka uga qaato. Cisbitaalka dhaqaale xumo ma hayso laakiin waa maamul la,aan iyo cidda caafimaadka gobolka masuulka ka ah ayaa ku ceebaysan maamula Cisbitaalka ayaa ku ceebaysan wasaaradda caafimaadka ayaa ku ceebaysan.”

Guddoomiye Ramaax oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray. “ imika waxaanu ku wareejinay oo loo sii daayay 30,000 soddon kun oo Dolar oo u taallay,laakiin uga dul qaadan mayno in adeegyada bulshada laga shaqayn waayo. Waxaa ceeb ah oo wax aan la qaadan Karin ah in lacagta loogu talo galay in hooyada dhalaysa lagu badbaadiyo oo loogu gurmado in gaadiid Hargeysa Jooga lagu kiraysto oo ay iska qaataan iyadoo hooyadii xaamolada ahayd ee loogu gurman lahaa ay cidla ku umul aroorayso sanad kasta waxaa Cisbitaalka loogu deeqaa lacag dhan 220 kun oo Dolar oo loogu talo galay in hooyada uurka leh loogu gurmado lacagtaas oo la yidhaahdo ephs.”

 

 

Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray.“21ka Haay’adood ee dawladda ee halkan ka shaqeeyaa 15. ka mid ahi waa fadhiid,waxba anigu idiin qaran maayo ,way maqlayaan isku duwayaashu,dhakhtarkii Ayaa fadhiya,maxkamadii ayaa xun,waxa fadhiya hawlo badan oo gobolka Laga qaban Lahaa,beerihii ayaa xun,xanaanadii xoolaha ayaa xun.”

waxaanu balan qaaday in uu kormeer joogto ah ku samayn doono dhamaan hay,adaha dawladda isla markaana wasaaradda shaqayn wayda ay ka xidhi doonaan inta masuul kale loosoo magacaabayo.

“wasaarad wasaarad ayaan u galayaa igu walaahiya oon idiin balan qaadayaa,hadii uu wasiirku badali waayo inaan madaxwaynaha kala hadlayo ayaan balan qaadayaa,Marka Dhakharkeedi boorama Xidhan yahay masuuliyiintina joogaan,wasaaradii caafimaadkuna joogto inuu fadhiyo caqli gal Maaha.Hadii aanu qofku gudanayn xilka uu umadda u hayo,ha u baneeyo mid u qaban doona ayaanu keeniye,wasiir kastow maqal,masuul kasto maqal oo hargaysa jooga,masuul kasta oo qabiil ku shaqaynayow maqal,waa inuu gobolkani ka baxaa meelaha fadhiidka Ah,qofkasta oo masuul Ahina waa inuu gutaa Shaqadiisa,hadaanu gudanaynin hasoo codsado ruqsadiisa cid umada u biixisa ayaanu ugu dhiibiye.”

hadaba halkan ka daawo Guddoomiye Maxamuud Cali Saleebaan oo arrimahaa ka hadlaya.

 

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here