“Markii Aan Arki Waayay Himiladii La Igu Doortay Suurta Galinteeda Ayaan Is-Casilay.” Maxamuud Cabdillaahi Cabdi (Gaagaa

0
312

Xisbiyada looma shaqeeyo ee waxaa loogu biiraa mabda iyo han siyaasadeed, isbedel, barnaamijyo iyo mabaa’idi siyaasi ah.

Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Guddoomiyihii Garabka Dhalinyarada Heer Qaran ee Waddi ee iska casilay xilkaa iyo Xubinnimadii xisbigaasba ayaa ka war bixiyay sababa keenay in uu ka tago xilkii loo doortay iyo guud ahaan Xisbiga WADDANI Maxanuud Cabdilaahi Cabdi(Gaagaab)

Waxaa kale oo uu ka hadlay hankiisa siyaasadeed iyo halka uu doonayo in uu uga wareego xisbigiisa uu ka tegay waxaanu intaa raaciyay in aan asxaabta qaranka loogu biirinn in dhaqaale laga helo ama laga shaqaysto laakiin taa bedelkeedu uu yahay in isbedel la sameeyo iyo in hanka siyaasadeed ee.qofku in uu is muujiyo.

is casilyyyyyy

 

Waxaanu sidaa ku sheegay shir jaraa,id oo uu maanta ku qabtay magaalada Hargeya.mar uu ka hadalayay sababta uu isu casilay iyo waxyaabaha ku dhaliyay waxaa uu yidhi

“Waxaan ahaan Guddoomiyihii garabka dhalinyarada ee xisbiga WADDANI ee heer Qaran, oo doorasho ku yimi runtii markii ugu horraysay oo wadanka ka dhacda garab dhalinyaro oo lagu doorto iyada oo dhamaan dhalinyarada laga keenay gobolada iyo degmooyinka dalka, waxay ahayd waddo cusub iyo wejji ku cusub xisbiyada qaranka Jamhuuriyada Somaliland oo runtiii muhiimad gaar ahna lahayd.

Xisbiyada looma shaqeeyo ee waxaa loogu biiraa mabda iyo han siyaasadeed, isbedel, barnaamijyo iyo mabaa’idi siyaasi ah.

Anigu Xisbiga WADDANI waxaan ugu biiray laba mabda, labadaas ayaa ugu waynaa waxyaabaha aan ugu biiray xisbiga, anigu waxaan ka soo jeedaa gobolka Sanaag, gaar ahaan gobolka Badhan ee loo yaqaano Sanaag Bariga, sida aad la socotaana gobolkaasi xaga maamul daadejinta Somaliland iyo horumarkaba wuu ka dambeeyaa gobolada kale ee Somaliland, waxaana nalagu xantaa in aanaan siyaasada iyo xisbiyada qaranka ku dhex milmin oo aan ka qayb qaadan barnaamijyada siyaasadeed ee axsaabta oo aanaan lahayn ka qayb gal fiican xiliyada lagu jiro ololaha iyo doorashooyinka dalka ka dhaca.

Arrimahaasi waa dhaliilo loo jeediyo deegaankayaga oo aanu u sababaynayno in ay qayb ka tahay in aanu maamulka iyo axsaabta qaranku aanay gaadhin, isla markaana aanay ka fekerayn aayaha iyo mustaqbalka gobolka oo aanay axsaabta dhexe ka ololayn oo aanay jirin  dareen rasmi ah oo mabaadi ku salaysan sidii ay dadka iyo deegaanka u horumarin lahaayeen.

 

Qodobka labaadna waxa uu ahaa, maadaama aan ahay guddoomiyihii garabka dhalinyarada ee Xisbiga Waddani, dhalinyaraduna ay tahay jiilkii mustaqbalka, in dhalinyarada loo diyaariyo sidii ay u hanan lahaayeen waxna uga baran lahaayeen dalka, hogaaminta iyo siyaasada, si ay u noqdaan dhalinyaro damaanad qaadi karta runtii wadankooda horumarkiisa iyo siyaasadiisa oo laga qayb galiyo laguna tababaro siyaasada. Runtiina dhalinyaradu waxa ay ka mid yihiin dulmanayaasha siyaadada, inta badanna waxaa la yidhaahdaa siyaasada lagama qayb galayo, ama xag dhaqan ha ka timaado ama xag dhaqaale ha ka timaado’e, markaa haddii ay yihiin dadkii hanan lahaa mustaqbalka waa in loo suuro geliyaa oo ay jaanis u helaan marka hore oo siyaasada ay soo galaan dabadeedna ay sii dhismaan.

Labadaa qodob ayaan u soo galay xisbiga WADDANI, waxaana igu kalifayay xukuumadan oo shan sanno jirsatay markii hore waxaanu dareensanayn in aanu saamigii iyo horumarkii aanu uga baahnayn aanaan ka helin.

Markaa waxyaalaha keenay in aan xisbigii ka baxo himilooyinkaas oo aad moodayso doorashooyinkii oo aan is lahaa markii hore wakhti dhaw ayay dhici karaan, oo aan is lahaa uga faa’iidayso fursadaadaas in deegaankii saamigiisa heli karo horumarna la gaadhsiin karo, waxaad la socotaa in doorashooyinkii dib u dhaceen oo wali lagu muransan yahay wax aan la hubin, taasina waxay na tusaysaa in candadawl ku yimaado arrimihii doorashada, markaa taasi waxay luminaysaa in aan markiiba gaadho horumarkii iyo saamigii degdega ahaa ee aan u doonayay deegaanka.

Marka labaad himiladii waynayd ee dhalinyarada reer Somaliland ee la igu doortay iyada qudheedu mooralkii iyo siistamkii aanu doonaynay in aanu dhalinyarada ku dhisno ayaa iyaduna ka mid ah iscasilaadayda, taas oo aan u socon sidii loogu talo galay, ama filashadaydii aan is lahaa maabkaaga guud ee dhalinyarada lagu dhisayay, taas oo aan doonayay in aan dhiso madal ay dhalinyaradu ku doodo oo ku dhisanto, markaa taasna gaabis ayaa ku yimi. Markaa aniga oo dareemi kara culayska ay leedahay garabka dhalinyarada iyo doorashadaasi laakiin siyaabihii aan ku xaqiijin lahaa ayaan halkaas ka arki waayay, markaa sidaas ayaan ku go’aansaday in aan iscasilo.”

Gaagaab oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray. “Anigu markii horena waan sheegay, siyaasado dhalinyarada hagi kara oo mustaqbalkooda u diyaarin kara waa dhalinyaro guud ahaan dalka ka jirtay, runiti xisbiga Waddanina waa xisbigii ugu horreeyay ee arrintaa ahmiyadeeda siiya, laakiin haddana waxaad moodaysaa in hawshii aanay si rasmi ah wali u dhabaheedi ugu dhinin oo sidii loogu talo galay aan u socon, markaa ma arko wali cid dhalinyaradii sidii loogu talo galay rabta in ay arrimahooda wax uga qabtaan, marka laga yimaada ururada arrimaha bulshada. Markaa waxaan u arkaa in ay taasi wali qabyo tahay “

 

Mar la waydiiyay iscasilaadiisa iyo ka tagiskta xisbiga Waddani waxa uu ku bedelan doono waxa uu ku jawaabay “Aniga mabaadi’daydii aan markii hore lahaa wali waa sideedii, anigu waxaan ahay nin dhalinyaro ah, aqoonyahan ah, muddo ka soo shaqaynayay hay’adaha caalamiga ah, xaaladaha guud, horumarka iyo duruufaha dalka ka jiranna la socda, cabashooyinka degaankayga iyo horumar la’aanta iyo dhibaatooyinka ka jirana doodaheeda iyo barnaamijyadeedana muddo ku jiray. Kolay bulshadaydii iyo dadkii ayaan la tashan doonaa, diiradana waxaan saarayaa waa deegaankii oo horumar laga gaadho, sidoo kale waxaad la socotaa in deegaankayaga aanay doorasho ka dhicin oo aanay doorashooyinku gaadhin, dadkuna haddii aanay doorashada ka qayb qaadan oo aanay wax dooran lama ogaan karo dhibaatooyinkooda, markaa anaga hawl badan ayaa noo taala, oo ah in deegaanka laftiisii ay doorashooyin ka dhici karaan oo ay dadku gacantooda wax ku doortaan hadhawna ay la xisaabtamaan cidii ay soo doorteen, markaa anigu hawlahaas ayaan ka shaqayn doonaa, markaa cid kasta oo hawlahaa nagala shaqaynaysa ama danaynaysa anagu xidhiidh ayaanu yeelan doonaa, hawshayduna guud ahaan waxay ku xidhiidhaa mabaadi’daa guud ee siyaasiga ah ee aniga tiirarka ii ah.”

Mar la waydiiyay in is casilaadiisu ay la xidhiidho wada hadal Xukuumadda dhex maray iyo xil loo dhiibayo ayuu ku jawaabay.

“Inta badan dadkeenu marka ay hawlo noocaas ahi ay dhacaan waa waxyaaba ah suuq ku malo-awaalaan, laakiin sidii aad arkayseen saddexdayadii masuul ee iscasilay, runtii laakiisn sidii la arkayay saddexdayadaa masuul wax noo qorshaysnaa oo aanu soo wada gaadhnay may ahayn, laakiin nin waliba waxa uu gaadhay xili uu dareemay in uu xisbigii ka baxo isaga oo qof waliba danihiisa gaarka ah ka fekerayay, markaa taas si toos ah ayaanu u cadaynay in aanu xisbigiina ka baxnay meel kalena aanaan ku biirin, markaa anigu shakhsiyan waxaan ogohay in wax dhabartaabasho ah iyo wax xil ah oo la ii balan qaaday iyo cid ila soo xidhiidhay toona ma jirto, saaxiibadayna intaas ayuun baan ka ogahay, markaa hawshaasi waa sidaas wax ka jiraana ma jiraan.”

 

 

Mar uu ka jawaabayay su,aal laga waydiiyay haddii xil loo magacaabo waxa uu ka yeelayo.ayuu yidhi. “Aniga cid ay colaadi naga dhaxayso ma jirto, sababaha aan siyaasada u soo galay iyo qorshayaasha aan lahaana waxay ku xidhiidhaan guud ahaan dhalinyarada iyo arrimaha deegaanka, markaa wax isbedel ah oo aan ku qanco cid kast oo wadda haday doonto WADDANINA ha noqotee cid kasta oo wadda isbedel aan ku qanci karo aniga oo mabaadi’dayda ka duulaya waan soo dhawaynayaa.”

 

 

Maxamuud  waxa kale oo uu fariin iyo dardaaran u diray dhalinyaradii xisbiga WADDANI ee uu iska casilay waxaanu yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu mahadcelinayaa dhalinyarada reer Somaliland gaar ahaan dhalinyaradii I dooratay ee xisbiga WADDANI, waxaan u rajaynayaa horumar iyo barwaaqo, waxan dareensiinayaa in wadanka ay iyagu iska leeyihiin oo ay jiilkii berri yihiin, runtii in ay ku dedaalaan in nin waliba halka uu joogo uu ka shaqeeyo dhalinyarada midnimadooda, la dagaalanka qabyaalada oo aan wax macnaleh soo kordhinayan,  iyo sidoo kale arrimaha tahriibka iyo wadanka laga baxo oo runtii ah wax nusqaan ku ah dhalinyarada, halkii looga baahnaa halgan iyo fikir dalka horumar u horseedi kara oo la mid dhigi kara sida caalamka meelaha ay u tahriibayaan, markaa intaasi waa fariinta aan u dirayo dhalinyarada dalka. Dhalinyaradii i dooratayna waxaan leeyahay aniga Maxamuud ahaan waa nin kii aad doorateen, guud ahaan afkaartii aad igu doorateen, aqoontii iyo kartidii aad codka igu siiseen wax iska kay bedelay ma jiraan, halkii ayaan ka sii wadayaa horumarkii dhalinyarada iyo isku xidhkoodii.”

 

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here