Gabilay(Xogsoormedia.com):- Maxamed Muuse Xaaji ayaa ka dareen wer wer leh ka bixiyay labadii bilaydh lambar ee xaga hore iyo dhanka dambe ee gaadhigiisa oo caawa fiidkii laga goostay isagoo ku sugan magaalada Gabilay isla markaana gaadhigu uu yaallo gurigiisa hortiisa.
Maxamed nii oo wata gaadhi Nouh-ah isla markaana hadda ku sugan magaalada Gabilay,ayaa sheegay in uu gaadhigiisa dhigay guriisa hortiisa ka dibna uu ka maqnaa wakhti uu ku qiyaasay in ay ahayd ugu badnaan 30 daqiiqo markii uu ku soo noqdayna uu u yimi baabuurkii oo laga furtay labadii bilaydh lambar ee Somaliland ee xagga hore iyo dhanka dambe kaga xidhnaa.
Waxaanu intaa ku daray in uu isla markiiba u tegay ciidanka nabad gelyada Waddooyinka ee magaalada Gabilay una sheegay in gaadhigiisii lambarkii Somaliland laga furtay wakhti yar oo uu ka maqnaa.
Maxamednii oo khadka tilifoonka kula soo xidhiidhay Shabakadda Xogsoormedia.com isagoo jooga Gabilay ayaa intaa raaciyay in aanu masuul ka ahayn isla markaana aanu wax xidhiidh ah la yeelan doonin fal dambiyeed kasta oo lagu galo bilaydh lambarka gaadhigiisa.
“Caawa fiidkii sagaalkii iyo badhkii ayaan gaadhigayga dhigay gurigayga hortiisa oo baarkin ah isagoo aan wax cidhiidhi ahna aan ku hayn wadada horena waan u dhigan jiray markaan Gabilay tago markaa waan ka tegay waxaanan ka maqnaa muddo yar oo aad u kooban oo illaa sodon daqiiqo ah. Markii aan soo noqday anigu gaadhiga ayaan fuulay oo waxaan damcay in aan dhaqaaqo laakiin wiil yar ayaa igu yidhi oo meeyay lambarkii gaadhigu? Markaasaan soo degay oo aan eegay kii hore mise kuma xidhna oon hadana eegay kii dambe mise isna wuu ka maqan yahay.”
Maxamed-nii oo ka hadlayay markii uu gaadhigiisa ka waayay labadii bilaydh lambar tallaabada uu qaaday,ayaa yidhi. “Markiiba waxaan u tegay ciidanka nabad gelyada Waddooyinka waxaanan ku war galiyay in gaadhigayga laga furtay labadii bilaydh lambar isla markaana aanan garanayn sababta looga furtay iyo cidda furatay midnaba, ciidanka nabad gelyadu waxay ii sheegeen marka ugu horaysa in aanay ciidanka Gabilay lahayn dhaqanka mararka uu gaadhigu qalad ku jiro ee aan cidi la joogin in ay furtaan bilaydhka Gaadhiga, intaa waxay ii raaciyeen in aan tago saldhigga dhexe ee Gabilay oo aan soo rabuudh gareeyo, in labadii bilaydh lambar ee gaadhigaygu maqan yihiina Saldhigga dhexe ee Gabilay ayaan gaadhsiiyay markaa imi anigoo gaadhsiiyay ciidankii nabad gelyda Waddooyinka isla markaana aan saldhigga degmada Gabilayna dacwada gaadhsiiyay waxaa kaliya ee ii hadhsani waxaa weeye in aan bulshadana warbaahinta u mariyo in lambarkii Baabuurkayga kii hore iyo kii dambeba la goostay wali aanay ciidana boolisku ku soo guulaysan in ay soo qabtaan ciddii ka goosatay baabuur lambarkiisii in aan bulshada ogaysiiyowax kasta oo suuragal noqon kara in lagu geysto bilaydh lambarka gaadhigayga ma lihi masuuliyadiisa la iimana raaco sababtoo ah wuxuu igaga maqan yahay tuugo.” Mar aanu waydiinay in ay jiraan cid uu u tuhmayo lambarka gaadhigiisa laga furtay,ayuu ku jawaabay. “Maya ma garanayo cid aan u tuhmayo oo gaar ahina ma jirto wakhti ciyaal ku furi kari lahaayeenna gaadhiga kamaan maqnayn ciidankii nabad gelyada Waddooyinkuna igamay furin oo iyaga ayaaba hawsha baadhitaankeeda saldhigga iigu gudbiyay,markaa ta ugu wer werka wayni waxay tahay in ay dhici kartoba n lambarkaygii gaadhigayga laga furtay ee la iga xaday in dhibaato lagu gaysto inta gaadhi kale lagu soo xidho markaa waxaan booliskana ugu gudbiyay Xogsoormedia.com-na ula soo xidhiidhay waa in dawlad iyo shicibba la ogaado in bilaydh lambarkii gaadhigayga Gabilay Caawa(Xalay) la igaga xaday oo aanan wax masuuliyad ah ku yeelanayn wax kasta oo loo adeegsado lambarkayga.” Mar aanu waydiinay lambar la,aan in uu ku iman karo Hargeysa iyo haddii sidaa lagu waayo xalku wuxuu noqonayo,ayuu ku jawaabay. “Horta imika ciidanka nabad gelyada waddooyinka Gabilay iyo saldhigga dhexe ee Gabilayba waxay igu yidhaahdeen waxaanu ku siinaynaa waraaq dhaq dhaqaaq oo aad ku gaadho xarunta Hargeysa ee Ciidanka nabad gelyada Waddooyinka laakiin kolay way dhib badanaysaa lambar la,aanna lama socon karo lambarkii gaadhigaaga oo maqanina war warkeeda ayay leedahay oo wax kastaaba in ay dhici karaan ayaad ka fekeraysaa oo adoo xoolahaagii maqan yihiin in hadana dhibaato uu gaystay ay mushkilad kale kugu keento. Lambarkayguna waa Somaliland.60091 bilaydhka caddaanka ah hadaba waxaan dawlad iyo shicibba ku war galinayaa in lambarkii gaadhigayga caawa Gabilay gurigayga hortiisa lagaga furtay imikana cid uu gacan ugu jiro aanan ka warami Karin wixii lagu geystana aan beri ka ahay.”ayuu yidhi Maxamed Muuse Xaaji oo isagoo ku sugan magaalada Gabilay xalay goor dambe u warramay shabakada wararka Xogsoormedia.com.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland