“Haddii ay dhacdo Ciidanka Somaliland in uu ka dagaal galo Yemen Diyaarado ayuu kaga qayb qaadan doonaa..” Wasiirka Difaaca Somaliland Cadami
Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay ujeedada ciidan Somaliland ka socda oo tababar ku soo qaadan doona dalka Sucuudiga oo dhawaan u bixi doona iyo sababta ay Somaliland ciidankeega tababarka Sucuudiga ugu dirayso.
Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo ku sugan magaalada Ceerigaabo ee Xarunta gobolka Sanaag oo khadka tilifoonka ugu waramay wargeyska codka Shacabka ayaa waxaa kale oo uu sheegay in ciidanka Somaliland ee tababarka u tegaya dalka Sucuudigu ay tahay tallaabo ay Somaliland ciidamadeeda kor ugu qaadayso iyo in aqoontooda la dhisayo waxaa kale oo uu sheegay in ciidanka Somaliland ka tirsan ee tababarka soo qaadanayaa markay soo dhamaystaan in ay ku soo noqqn doonaan dalkooga.
Waxaa kale oo uu meesha ka saaray in ciidanka Somaliland dagaal lugta ah la gelayaan kooxda Xuutiyiinta ee dagaalka kula jirta isbahaysiga uu Suciidigu hoggaaminayo.
Ugu horrayn Wasiir Cadami oo aanu waydiinay ujeedada ciidanka Somaliland tababarka ugu tegayaan dalka Sucuudiga iyo in ay qayb ka noqonayaan isbahaysiga dagaalka kula jira Xuutiyiinta ayaa ku jawaabay. “Ciidanka Somaliland ee Sucuudiga tababarka ku soo qaadanayaa horta Millatari kaliya maaha laakiin wuxuu ka kooban yahay qaybaha kala duwan ee ciidamada dalka waxaanu ka dhashay oo guushaa keenay socdaalkii Madaxweynaha ciidanka halkaa loo dirayaana waxay Sucuudiga u tegayaan tababar ciidan oo Somaliland ay ciidankeega aqoontiisa kor ugu qaadayso kuna dhisayso, dagaal ay imika ka qayb gelayaanna ma jirto laakiin markay tababarka soo dhamaystaan waxay ku soo noqonayaan Somaliland iyo ciidamadoodii ay ka tirsanaayeen.”ayuu yidhi Wasiir Cadami.
Mar aanu waydiinay in ciidanka Somaliland dagaal dhanka dhulka ah la gelayaan kooxda Xuutiyiinta oo ay weerar lug ah ku qaadayaan dalka Yemen deegaamada ay ka haystaan Xuutiyiintu ayuu ku jawaabay. “horta imika qorshuhu waa in ciidan Somaliland ahi tababar soo qaataan ta dagaalkana markeeda ayaa laga wada hadli doonaa laakiin haddii ay dhacdo Ciidanka Somaliland in uu ka dagaal galo Yemen Diyaarado ayuu kaga qayb qaadan doonaa.”ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo khadka tilifoonka ugu warramayay wargeyska Codka Shacabka isagoo ku sugan magaalada Ceerigaabo.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland