Madaxweyne Siilaanyo Oo Shacbiga Hargeysa Kala Qayb Galay Sallaadda Ciidal Fidriga

0
296

Hargeysa(Xogsoormediacom):-Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu salaada Cidal Fidriga kula tukaday masjid-jaamaca weyn ee caasimada hargeysa kumanaan ka mida shacbiga Somaliland.

Iyada oo guud ahaanba dalka iyo caalam islaamba maanta loo dareeray salaada ciidal fidriga, Madaxweynuhu Salaada ka dib waxa uu shacbiga iyo ummadda islaamka ugu duceeyey in sanadkan sanadkiisa ay ku gaadhaan bash-bash barwaaqo iyo nabadqab, inta xanuunada u jiifta ka dulqaado oo uu ugu bedelo caafimaad taama.

silanyo1

Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, iyo xubno golaha wasiirada ka tirsan iyo xildhibaanno ayaa sidoo kale Garoonka weyn ee Hargeysa Stadium kula tukaday kumanaan dadweynaha Hargeysa ah.

Madaxweyne xigeenka Somaliland ayaa mushtamaca Somaliland ku waaniyay ka waantowga Qabyaaladda iyo caadooyin xun xun oo uu tilmaamay in hadda bulshadu ku kala qaybsan tahay. Waxa uu mucaarad iyo muxaafad ba kula taliyay in danta guud loo midoobo lagana shaqeeyo midaynta quluubta bulshada.

Sheekh Maxamed Cumar Dirir, oo khudbad u jeediyay dadka ku tukanayay Hargeysa Stadium waxa uu bulshada ku waaniyay Alle ka cabsiga iyo sii wadidacamalada suuban ee bishii Ramadaan la soo waday. Waxa uu sidoo kale shacbiga Somaliland ku bogaadiyay waxqabsiga ay ugu horayso waddooyinka oo uu sheegay inay habboonayd in la mideeyo waddooyinka dalka oo dadku kolba waddo iskugu tago iyadoo look ala horraysiinayo siday u kala muhiiimsan yihiin, balse waxa uu sheegay in kol hadday sidan bulsho waliba waddo dhisayso u dhacday iyaba tahay arrin muhiim ah oo xoojin u baahan.

Sheekh Maxamed Macalin Cabdi Carab, ayaa isna Xukumadda ku bogaadiyay garoonka Hargeysa Stadium oo roog la dhigay “Wasaaradda ciyaaraha iyo xukumaddaba waxaynu ku bogaadinaynaa oo uga mahadcelinaynaa Roogga la inoo dhigay Garoonka. 25 sannadood baynu ku soo tukanaynay boodh laakiin maanta waa roog aynu ku raaxaysanayno, halkii barigii hore Booyad boodhka la iskaga rusheeyo aynu ka bariy jiray dawladda hoose” ayuu yidhi Sheekh Carab.
Dhinaca kalena deggaanada Somaliland ayaa wararka ka imanayaa sheegayaan in si isku mid ah guud ahaan loog ciiday loogana Oogay Salaadda Ciidal Fidriga.
Xogsoormedia.com
Xogsoormedia.com@gmail.com
abafgaab@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here