Cabdirashiid Riyoraac Oo Sheegay In Mucaaridnimadii Uu Ku Jiray Ku Dheeraatay Kana Hadlay Haddii Siilaanyo Xil U Magacaabo Wuxuu Ka Yeelayo

0
326

“Haddii higsigiina kaa xumaado wakhtigiina dheeraado arrimihii lagu wada socdayna lagu kala aragti duwanaado, markaa in si ceeb la,aan ah loo kala tago ayay ku fiicanb tahay.” Cabdirashiid Riyoraac

“Ma la odhan karaa mucaaridnimadii ayaad ku sii jiri kari wayday oo xilkii wasiirnimo ayaad qaadanaysaa.”? Gudaha ka akhri jawaabta uu ka bixiyay

 riyoraac

 

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Xoghayihii Qorshaynta ee Xisbiga Mucaaridka ee WADDANI Cabdirashiid Maxamuud Cali Riyoraac oo is-casilay arbacadii todobaadkan ayaa faah faahin ka bixiyay sababaha uu isku casilay oo uu ku sheegay in ay isku dhan wax u wada wadi waayeen hoggaanka Xisbiga Waddani waxaanu shuruud ku xidhay xil uu ka qabto Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Waxaa kale oo uu intaa ku daray in mucaaridnimadii uu ku jiray ay dariiqeeda ka leexatay iska markaana muddadii dheeraatay oo muddo kordhin aan mucaaridku qaadikarin la dooayo in ay doorashooyinku dib dhacayaan.

Waxaanu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu khadka tilifoonka ku siiyay wargeyska Codka Shacabka.

Waraysiga aanu la yeelanayna wuxuu u dhacay sidan.

Su’aal: Xoghaye arbacadii waxaad ku dhawaaqday in aad is-casishay isla todobaadkan maalintii axadiina waxaad difaacaysay WADDANI waraysi aan kula yeelanay,Axad iyo arbaca dhexdood maxaa is bedelay ee sababay is casilaadaada.?

Jawaab: Waxaa weeyaan marba meeshaad joogto aad joogto ee aad ka midka tahay illaa marka ugu dambaysa inaad difaacdo weeye waana waajib ku saran mar haddaad masuul tahay,taasina waa ta sababta in qofku is casilo oo uu ka tago si aanu u difaacin laakiin illaa daqiiqada ugu dambaysa ee uu qofku joogo waa ku waajib in uu difaaco halka uu ka tirsan yahay.”

Su’aal:Laakiin sadexdaa cisho gudahood maxaa is bedelay eed isku casishay.?

Jawaab:Waxba isma bedelin sadexdaa cisho laakiin qorshuhu wuxuu ahaa mid muddo soo socday illaa dagaaladii doorashooyinka loo galay muddona soo jiitamayay waana haw muddo socotay oo aanu marar badan isla soo qaadnay laakiin wax sadexdaa cisho isbedelay ma jiraan.

Su’aal: sadexdiina xubnood ee arbacadii is casilay miyaad ku wada socoteen mise goobta iyo iscasilaadda ayuunbaa idin kulmisay?

Jawaab: Rag baa jiray muddo badan aanu hor taagnayn oo doonayay in ay is casilaan oo aanu lahayn waar bal u qaadiya oo ka jooga oo aanu lahayn in badan bal aynu tijaabino in ay wax isbedelaan laakiin markii dambe muddo aan ka badnayn afar iyo labaatan saacadood ayaanu isugu nimi oo aanu isla qaadanay in aanu is wada casilo. Sidaas ayaanan isugu nimo oo aanu isku wada casilay sadexdayadaa Xubnoodba.

Su’aal: sababta ugu weyn ee aad isu casisheen maxaad ku sheegi kartaa.?

Jawaab: Sababaha ugu weyn ee aanu isu casilay waxaa weeye horta waxaanu ahayn xisbi mucaarid ah oo dadka wakiil ka ah waxaana nalaga rabay in aanu ka hadalno waxa dalka iyo dadkaba ay dani ugu jirto ee ay looga baahan yahay xisbi mucaarid ah oo aanu gudano waajibka na saaran,markaa   waxa ugu wayn ee aanu u aragnay in aanu gudan kari waynay waxay tahay hawshii looga baahnaa Xisbi mucaarid ah oo ay ugu wayn tahay in ay dalka doorashooyin ka dhacaan. Taasoo ay ahayd in aanu ku dagaalano oo laakiin waanu ka gaabinay halkii ay ahayd in aanu ka haw galona taa bedelkeedii wuxuu noqday in aanu saxeexnay waxyaabo badan oo qalad ah markaa waxaanu uu aragnay in aanaan hayn xilkii iyo waajibkii ay ummaddu nagu lahayd ee Xisbi mucaarid ah laga rabay ee ahaa in uu toosiyo waxay xukuumadda qaldayso ka qabto waxa qaldan ku dagaalamo maanu arag markaa waxyaabahaasaa sababay in aanu is casilo. Doorashadiiyoo muddo dheeraatay dadku waxay leeyihiin higsi iyo meel ay ku socdaan haddii higsigiina kaa xumaado wakhtigiina dheeraado arrimihii lagu wada socdayna lagu kala aragti duwanaado, markaa in si ceeb la,aan ah loo kala tago ayay ku fiicanb tahay.

Su’aal: In badan ayay soo baxayeen warar xisbigiina lagu dhaliilayo oo lagu eedaynayay in uu qayb ka yahay muddo kordhinta laakiin adoo taa ka difaacaya ayaad ku doodi jirtay in guddoomiyihiinu golaha Wakiilada uu shaqsi ka yahay shaqona aanu ku lahayn wixii golaha ka soo baxa markaa imika maxaad ku dhaliilaysaa guddoomiye Cirro.?

Jawaab: Waa run oo golaha shaqsi ayuu ka yahay waxaana aqlabiyadda leh xisbi xaakimka KULMIYE oo waxay doonayaan ayaa ka hir gala laakiin waxaan ku dhaliilayaa saxeexyadii dhacay waxaana jira wax uu guddoomiyuhu xaq u leeyahay oo aanay cidina la lahayn oo ah saxeexiisa markaa waxaa dhibka keenayna waxaa weeye qaladka uu galay iyo saxeexyadiisa aan laga wada tashan wax xisbigu isku ogyahayna aan ahayn muujisayna ama shaki na galisay in uu wax badan xukuumadda kaga raali yahay.

Su’aal: Dhawaan waxaa soo baxay warar sheegayay in xil wasiirnimo laguu magacaabayo taasoo aad beenisay imika ma la odhan karaa mucaaridnimadii ayaad ku sii jiri kari wayday oo xilkii wasiirnimo ayaad qaadanaysaa.?

Jawaab:Horta marka ugu horraysa warkaasi war jira ma ahayn oo wuxuu ahaa wax mala awaal ah oo cidi iska qortay anna taasaan beeninayay,mucaaridaduna waxay dhadhan leedahay markay mucaaridad rasmi ah tahay ee meel loo socdo talada dadku isku mid tahay ee dagaalku dhab yahay ayay mucaaridadu macno leedahay laakiin hadday arrintu tahay xaydha jecli beerka jecli waxay noqonayaa uun gacmo daalis markaa anigu imika muddo waan iska nasanayaa oo siyaasada dibada ayaan ka joogayaa markaa hadday timaado cid aan ku qanco mabda ahaan iyo qof ahaan iyo deegaan ahaanba waan eegi doonaa. Anigu waxaan ka soo jeedaa markaan runta kuu sheego deegaan shansano dagaal haystay oo dib u dhac badani ka jiro Xukuumadduna runtii canaan badan ku leedahay oo aan qabi in ay run ahaan dib ugu riixdo mucaaradadii iyo hawshii aanu ku jirnay raalibaanuse ka hayan oo waxaanu islahayn wakhti dhaw ayaa wax u bedelmayaan markaa xataa umad dhan oo aniga dartay loo cadaadinayay ayaa jirta oo madaxdhaqameedkayga ayay xukuumaddu ku tidhaahdaa markay wax qabad ka dalbadaan inankiina mucaaridka ah soo qabta aniga arrimahaygii gaarka ahaa mar haddii meel aan u socdaa aanay jirin oo aanan hayn wax aan ku ilaawo in aan raacdo ayaa meesha soo galaysa. Dadkaa dhibaataysan iyo canaantaa badan ee igu socotaana meesha ka baxdo haday Xukuumaddu ku dhaliilantahayna aanan eedda la yeelan siyaasaddana aan ka boxo oon iska nasto yaan goostay.

Su’aal: Waxaad sheegtay in beesha aad ka soo jeedo deegaankeega dib u dhac badani ka jiro oo aanay Xukuumaddu waxba u qaban sababna aad uga dhigtay mucaaridnimadaada imika haddii lagu yidhaahdo deegaankiina u shaqee xil wasiirnimona qaado maxaad ka yeelaysaa.?

Jawaab:Haayoo horta danta shaqsiga ah waxaa ka wayn ta deegaankaaaga iyo halka aad ka soo jeedo wax naftaada loo sadqeeyo ama loo huro oo dadkaaga iyo halkaaad ka soo jeedo ka waynina ma jiraan markaa hadday Xukuumaddu arrimaha halkaa ka jira wax ka qabanayso oo ay diyaar u tahay in ay colaadahaa ka jira halkaa dhamayso oo ay ka soo baxayso shuruudaha lagu xidho deegaanka awax u qabashadiisa diyaar ayaan u ahay sababtoo ah maalin kasta deegaankaaan ka soo jeedo dhibaato ayaa ka dhacda oo waa lagu dhintaa markaa taasi waa haa oo waan qabanayaa haddii ay tahay mid deegaankaa iyo dadkaa waxna u qabanaysa nabadna lagu dhalinayo.

Xigasho Wargeyska Codka Shacabka

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here