Ceerigaabo(Xogsoormedia.com):-Wefti heer qaran ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wsaraaddda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo ay ka mid yihiin Wasiirka Khayraadka Biyaha Baashe Cali Jaamac iyo xildhibaanno ka tirsan golaha wakiilada Somaliland ayaa gaadhay isla markaana si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Ceerigaabo ee Xarunta gobolka Sanaag.
Wasiirka wasaarada gaashaandhiga somaliland Axmed Cali Xaaji Cadami oo ka hadlayay sida loogu soo dhaweeyay magaalada Ceerigaabo iyo ujeedada socdaalkooda ayaa yidhi. “aad baan ugu mahad celinayaa dadkan na soo dhaweeyey waxaanu isku soo beegnay maalin qaaliaya oo ramadaan dhamaadkeedii ah oo dadku cibaadaysto oo masaajidada ictikaaf lagula jiro oo anagoo gurmad ah oo daynayna ina umadaa cerigaabo wada degta ee walaala ah oo alle is baday ay si wada fiican u wada ciidaan waxaana u soconay arimo nabad galyo, inaanu nabad galyada wax ka qabano ayaanu u nimid”ayuu yidhi Cadami.
Wasiirka Wasaarada Khayraadka Biyaha Baashe Cali Jaamac,ayaa isna si wayn ugu mahad celiyay dadwynihii soo dhawayntooda uga soo baxay magaalada Ceerigaabo “Dadka halkan nagu soo dhaweeye aad iyo aad baan ugu mahad naqaynaa, gobolka waxaanu ugu socnay uun arimo nabad galyo, inaanu nabad galyada wax ka qabano, waxyaabo jira imika inaanu xoojino sidii nabad galyada wax looga qaban lahaa, magaaladan cerigaabo iyo gobolka sanaag waa gobol dib u dhacay iyo dadkeeda oo aad moodo xigii ay gobolada kale la tartami lahaayeen inay iyagu isu muuqdaan, waxa kale oo aanu u soconaa inaanu idinla ciidno anagoo ka wakiilada madaxwayaha jamuuriyada Somaliland iyo xukuumada oo dhan” ayuu yidhi wasiirka khayraadka Biyaha.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland