Saraakiil Xisbiga WADDANI Iska Casilay

0
296

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Saraakiil sar sare oo ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI,ayaa maanta ku dhawaaqay in ay iska casileen xilkii ay xisbigaa ka hayeen iyo xubinnimadiiba.

Xoghayihii qorshaynta Xisbiga Waddani Cabdirashiid Riyo-raac, Xoghayihii arrimaha gudaha Mustafe Qodax iyo Maxamuud Cabdillaahi Axmed(Gaab), oo dhawaan loo doortay guddoomiyaha garabka dhalinyarada heer qaran ee Waddani ayaa shir jaraa’id oo ay wada jir ugu qabteen Hargeysa waxay ku sheegeen inay iska casileen xubinimadii iyo xilkii ay ka hayeen Waddani.

wadani is casilay

Inkasta oo aanay masuuliyiintani soo bandhigin meel ay ku biireen iyo halka ay uga diga roganayaan xisbigii ay ka tirsanaayeen ee WADDANI,ayaa hadana waxay sheegeen in ay guud ahaanba ka bexeen xisbiga WADDANI.

Is-casilaadda sadexdan xubnood ay maanta ku dhawaaqeen ayay ku sababeeyeen in ay wada socon kari waayeen siyaasadda Xisbiga oo ay sheegeen in ay isku aragti ka noqon waayeen arrimaha siyaasadda Guddoomiyaha xisbiga Waddani.

“Waxaan maanta halkan uga caddaynayaa Saxaafadda iyo shacabka Somaliland inaan iska casilay xilkii aan xisbiga Waddani ka hayay iyo xubinimadiiba,intaas baanu bulshada gaadhsiinaynaa, iscasilaadaas oo ku timid sababo badan oo ay ka mid yihiin in siyaasaddu tahay fikir ama afkaar la iskula tagay, haddii la isku fahmi waayana ay sunne tahay in qofku wuxuu diido iska casilo” ayuu yidhi Mr Riyo-raac.

Mustafe Qodax ayaa isna sidan uga hadlay iscasilaadiisa “Runtii saddexdayadan nooma calaamadsanayn oo kamaanu soo baaraan degin inaanu xisbiga mar ka wada baxno laakiin, waxay noqotay heer qof walba gaadhay inaanu ku sii socon Karin siyaasadda waddani ayuun baanu saaka halkan iskugu nimid. Waxaan caddaynayaa inaan xilkii Waddani iska casilay, kana baxay xubinimadii islamarkaana hawlahayga gaarka ah qabsanayo, waxaana iscasilaadayda kow ka ah inaanu isku afkaar noqon waynay hogaanka xisbiga” ayuu yidhi Mudane Qodax.

Mudane Gaab ayaa isna si kooban uga hadlay iscasilaadiisa”Anigoo miyirkayga iyo maankayga qaba, waxaan halkan shacabka Somaliland uga cadaynayaa inaan iska casilay xilkii garabka dhalinyarada ee xisbiga Waddani” ayuu yidhi Mr Gaab.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here