Wasaaradda Duulista Soomaaliya Oo Lagu Eedeeyay In Ay Hab Musuq Maasuq Ula Safantahay Hay,adda ICAO

0
306

Muqdisho (Xogsoormedia.com):- Wasaaradda Duulista Soomaaliya,ayaa lagu eedeeyay in ay musuq maasuqday heshiisyo dhawr ah oo ay hore u wada gaadheen Soomaaliya iyo Somaliland oo ku saabsanaa in Somaliland iyo Soomaaliya la soo noqdaan maamulidda hawada isla markaana ka soo wareejiyaan Hay,adda Qaramada Midoobay ee imika gacanta ku haysa ee ICAO oo fadhigeedu yahay Nairobi Kenya.

Garoonka_Diyaaradaha_Muqdisho

Agaasimaha waaxda duulimaadyada rayidka ah ee Wasaaradda Duulista ee Soomaaliya Maxamuud Faarax Cigaal ayaa masuuliyiinta Wasaaraddiisa ku eedeeyay in aanay diyaar u ahayn in ay hir galiso heshiisyada hawada ee ay wada galeen Somaliland iyo Soomaaliya isla markaana la doonayay in ay wada jir ula wareegaan maamulida hadawa Somaliland iyo Soomaaliya.

Maxamuud Faarax Cigaal oo soo saaray qoraal uu shaqada iskaga casilay ayaa intaa ku daray in Wasaaradda Duulista Soomaaliya   u xaglinayso dhanka hay,adda ICAO oo ay heshiis kula tahay in hawada Somaliland iyo Soomaaliya laga maamulo Nayrobi.

 

Qoraalkan ayuu agaasimuhu ku sheegey in uu si weyn uga niyad-jabsan yahay dhaqanka hay’adda Qaramada Midoobey ee maamuleysey hawada Somaliland iyo Soomaaliya taasoo uu ku eedeeyay inay madaxa isku gelisay Soomaaliya iyo Somaliland , isla markaana ay wali soo Wareejin la’dahay Maamulka Hawada inkastoo heshiisyo badan hore loo kala saxeexday waxaanu intaa ku daray in Wasiirka Wasaarada uu xilkeeda iska casilay musuq maasuqay heshiisyadii la wada galay toosna ula safan yahay ICAO oo uu sheegay in ay wada shaqaystaan oo uu qayb ka yahay lunsiga lacagta hawada ee ICAO iska maamulato.

 

 

Xogsoormedia.com

Hargeisa Somaliland

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here