“Joornaalkani Waa Kii Qaranka Wayna Nagu Adag Tahay Inaanu Golihii Wakiillada Ee Qaranka Ka Difaacno”Xoghayaha Golaha Wakiilada

0
344

Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Xoghayaha guud ee golaha wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Siciid ayaanle iyo xubno ka mid ah shaqaalaha aqalka wakiillada oo shir jaraa’id ku qabtay xaruntooda ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin war ku saabsan in Guddoomiye Cirro iyo xoghayaha Wakiilladu leexsadeen Lacag xaqal ciid ah oo shaqaalaha wakiillada loogu talo galay.

cabdirisaaq siciid

“Waxaanu halkan u fadhinaa inaanu ka jawaabno war ay baahisay jariirada qaranka ee Dawan  taas oo caadaysatay inay mar walba wax ka sheegto golaha wakiillada, waxaanay sheegtay in gudoomiyaha golaha wakiilada iyo xoghayaha golahaasi ay shaqaalaha ka cuneen xaqul ciidkii la siin jiray shaqaalaha golaha wakiilada,” ayuu yidhi Xoghayaha Wakiillada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle.

 

Cabdi Ismaaciil Xawaadle, agaasimaha maamulka Wakiillada ayaa isna sharaxay hanaanka maaliyadeed ee wakiilada “waxaan ka jawaabayaa wixii maamulka khuseeya ee arinta la xidhiidha, golaha wakiiladu waxa uu ku dhaqmaa miisaaniyadiisa sida ay wasaaraduhu ugu dhaqmaan, miisaaniyaduna waxay leedahay madax iyo madax xigeen, mushaharka,shiidaalka, ilaa wixii gunooyin ah waxay ku qoran yihiin  oo sanadka lagu tala galay  buuga miisaaniyadana waxa loo qaybiyaa 82-ka xildhibaan ee golaha,hanti dhawrka, wasaarada maaliyada iyo xisaabiyaha guud intaas oo dhan wuu yaalaa, wax qarsoon oo hoos loo dhigo maaha, wixii kharash ah ee sanadkaas ku baxaya golaha wakiilada halkaas ayey  ku wada cada yihiin,” ayuu yidhi Mr Cabdi.

 

Xoghaye xigeenka wakiilada ayaa isna sheegay inay wargeyskii afka qaranka ku hadlayay ka hor taagan yihiin golihii wakiilada  Joornaalkani waa kii qaranka waanay nagu adag tahay inaanu ka difaacno golihii qaranka, waana been warkaasi waxaanan odhan lahaa joornaalka qaranku raali gelin haka bixiyo warkaas.”

Xogsoormedia.com

Hargeisa Somaliland

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here