“Wikileaks UDUB iyo KULMIYE Uma Kala Hiilinaysee Wixii Xaqiiqda Ah..…”Jamaal Cali Xuseen

0
318

Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Musharaxa jagada Madaxweyne ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa ku dooday in aanay Xukumadda Siilaanyo si rasmi ah uga jawaabin sirta ku saabsan in xukumaddu saxeexday heshiis Federal. Waxaanu ugu baaqay Madaxweyne Siilaanyo in uu wax ka yidhaahdo arrintan oo uu bulshada ka qanciyo isagoo intaa ku daray in Wikileaks horeba Somaliland wax uga qortay xilligii Xukuumadduu UDUB ee uu Rayaale Madaxweynaha ahaa oo uu sheegay in ay faafisay siro badan oo Somaliland ah oo ka hadlayay aqoonsi raadinta Somaliland oo uu sheegay in ka jabsatay Safaarado laga wada hadlay aqoonsiga Somaliland.

jamaal

Waxaanu intaa ku daray in shabakada Wikileaks aanay u kala eexanayn UDUB iyo KULMIYE balse ay sheegayso wixii jira oo kaliya isagoo tilmaamay in dalka Sucuudiga ay ka jabsatay illaa 70 kun oo dhugmati ah warqada Somaliland iyo Soomaaliya oo Federaal ku heshiiyayna ay waraaqahaa Sucuudiga laga jabsaday ka soo dhex baxday.

”Shabakada Wikileaks, waxay jabsadaan mareegaha ama sirta caalamka Somaliland-na, waa dalkii ugu horeeyay caalamka ee hadal ay Wikileaks ka sheegtay dafira, 61 Kun illaa 70 Kun oo dhukumanti, oo dalka Sucuudigu leeyahay ayay jabsadeen, warqadaa sirta ah ee ka soo dhex baxday ee lagaga hadlayay sirtana ee lagaga hadlayay federaalkuna waxay ahayd warqad sax ah (Genuine), oo la diraayay, dalka Sucuudiguna, u kala hiilin maayo Somaliland, waxaad ogtihiin in Wikileaks, uu hore uga hadleen  arrimo Somaliland khuseeya oo dawlada Ethiopia, iyo dawladii Daahir Rayaale, xilliyaddii aqoonsiga Somaliland, laga hadlaayay iyaga oo dhinaca wanaagsan ka eegaya, markaa Wikileaks, Udub, iyo Kulmiye, uma kala hiilinaysee, wixii xaqiiqdu tahay uun bay sheegayaan. Markaa dadka yaan la mashquulinin oo aan looga dhigin shabakad yar oo cid waliba wax ku qori karto, iyada oo rag waaweyn oo masuuliyiin ahi inta ay halkan soo istaageen iyaga oo aan garanayn waxa ay Wikileaks tahay dadka been u sheegaya, oo sheegaya wax xaqiiqda ka fog, waxaasina wax wanaagsan maaha” ayuu yidhi Jamaal HCTV la hadlay.

 

Musharax Jamaal Cali Xuseen, oo si toos ah ula hadlaya xukuumada Somaliland, gaar ahaan Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu yidhi, ”Illaa iyo hada dawladdu, si rasmi ah ugamay jawaabin sirtii ama fashilaadii inay Fedderaal saxeexeen, taana annagu maanaan keenin ee Wkileaks, ayaa Sucuudiga ka keentay, mana aha markii u horaysay ee ay Wikileaks, wax innaga sheegto, markaa dawladdu ha is baraxdo oo ha cadayso in aanay waxani run ahayn, maaha in kolba inta qof la soo diro in mucaaridka la xagxagto oo uu shakhsi weerar galo, waxaasi siyaasad maaha, siyaasadana uma wanaagsana. Shacabka Somaliland, hankoodii meeshii la geeyay ayay xukuumada uga fadhiyaan, Madxweynaha Somaliland, waxa looga fadhiyaa in uu ummada soo hor fadhiisto  oo uu ka hadlo oo uu yidhaado arrinta Wikileaks waa sidaa iyo sidaa oo ay xaqiiqana ay keenaan, laakiin maaha in ay xisbiyada mucaaridka ah xagxagtaan, Somaliland-na waxay noqotay dalkii u horeeyay ee intay ummada soo hor istaagaan dafira xogta iyo siraha Wikileaks, waar Maraykankii iyo Faransiiskii iyo dawladihii waaweynaa  ayaa dafiri waayay, oo ka hadlay uun sidii ay isaga xidhi lahaayeen sidii aanay Wikileaks, u fashil lahayn sirahooda mooyaane, weli may dhicin in ay dawladahaa waaweyni dafiraan arrin ay Wikileaks ka sheegtay.” Ayuu Musharax Jamaal Cali Xuseen, ku soo gabagabeeyay hadalkiisii.

Xogsoormedia.com

Hargeisa Somaliland

Xogsoormedia.co@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here