WADDANI Oo Jawaab Ka Bixiyay Hadal Af-hayeen Dhuxul Xisbiyada Ku Duray

0
354

Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland ku eedeeyay in uu yahay buro ku taalla Somaliland oo Madaxtooyada u fadhida waxaa kale oo WADDANI uu ka hadlay dib u dhaca diiwaan galinta codbixiyeyaasha oo dib u dhac ku yimi iyo sababa keenay.

Waxaa kale oo uu Xisbiga WADDANI ka hadlay fiisaha dal ku galka Ingiriiska oo la sheegay in loo diiday afhayeenka Xisbigooda iyo in Madaxweynaha laga sugayo in uu soo saaro go,aankii asxaabta qaranka iyo Xukuumaddu ku heshiiyeen oo lagama maarmaan u ah in gudiga Doorashooyinku ay bilaabaan diiwaan galinta codbixiyeyaasha.

riyoraac

Xoghayaha Qorshaynta Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdirashiid Maxamuud Cali Wacays waxaa kale oo uu intaa raaciyay in Guurtidu ay caqabad ku tahay hirgalinta heshiiskii ay wada gaadheen Xukuumadda iyo asxaabtu.

Xoghaye Cabdirashiid waxaa uu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu xalay khadka tilifoonka ku siiyay Wargeyska Codka Shacabka ugu horrayn Cabdirashiid oo ka jawaabayay eedayn uu shalay asxaabta Mucaaridka u jeediyya af-hayeenka Madaxtooyadu,ayaa yidhi. “Horta afhayeenka Madaxtooyadu maaha nin mansab siyaasiya dalka u haya oo wasiir ama wasiirudawle ama wasiir ku xigeen ah waa nin shaqaale ah oo waliba aan lahayn af uu ku hadlo iyo jawaab siyaasiya oo uu bixiyo waa afhayeenkii Madaxweynaha wax kasta oo uu ku hadlayaana waa hadalkii Madaxweynaha markaa waxay ahayd ninka mansabkaa joogaa in uu karaamada qaranka ilaaliyo oo uu ku hadlo oo kaliya wuxuu Madaxweynuhu u igmado oo uu ilaaliyo sharciyadda dalka iyo karaamada qaranka, laakiin waxaa layaab ah in ninkaasi uu wax kasta iskaga hadlo oo uu mar walba meel kaga dhoco qarannimada,asxaabta qaranka ummadda ayaa dooratay oo codkii dadwaynaha ayay asxaab ku yihiin markaa afhayeen uma jawaabi karo waxna kuma odhan karo ninkaasi wax kasta oo uu yidhaahdana waxay ahayd in uu hadalka Madaxweynaha laakiin waxyaabaha qaranimada meel kadhaca ah ee uu ku hadlayo uma qabo in Madaxweynuhu u igmaday ee isaga in ay gaar u tahay ayaan qabaa.”

Riyo raac oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray. “waxaad in badan aragteen afhayeenka oo Madaxweynaha oo meel tegaya ama meel ka hadlaya in uu meeshaba afduubo oo uu isagu talada la wareego markaa waa nin qaranka buro ku ah oo Madaxtooyada inoo fadhiya,afhayeenkuna ma odhan karo Xisbiyadu waxba ma sheegayaan waana meel ka dhac laakiin waxaan u aragnaa in hadalkaasi aanu ahayn kii Madaxweynaha ee ay ka mid tahay uun aflagaadadii Dhuxul ee qaranka ceebta ku ahaa. Xaqna umalaha in uu hadlo oo uu wax malo awaalo oo uu sidaa u hadlo. Ugu dambayn waxaan leeyahay ninkaasi waa nin qaranka ka dheereeyay ”

Xoghayaha oo aanu weydiinay sababta diiwaan galintu dib ugu dhacday dhanka ay ka timi halka ay tahay iyo waxa uga qorshaysan Xisbi ahaan,ayaa ku jawaabay.” Hotya marka aad masuul tahay ee aad arrimaha ka hadlayso waxay u baahan yihiin in aad xog ogaal u ahaato matkaa horta diiwaan galintii codbixiyetaashu dib ayay u dhacday oo waynu aragnaa laakiin qolada gudiga Doorashooynku way sheegeen in ay dib xilligeedii dib uga dhacayso taasoo ay sheegeen in dib u dhac laba bilood ahi ku yimi waxaana arrinta keenay waxaanay wali komishanka doorashooyunku aanay haysan wakhti cayiman oo dalka doorashooyinku ay ka qabsoomayaan taana waxaa keenay dhibaatada Guurtida ay samaysay ee ay ku majaro habaabisay wakhtigii ay gudiga doorashooyinku yidhaahdeen doorasho ayaanu ku qabanaynaa oo ahayd 1.Jun 2016-ka intaa ka dibna waxa ka dibna in Madaxweynuhu gogol u fidiyay xisbiyada Mucaaridka oo wax lagu heshiiyay la iskuna raacay in doorashooyinku ay qabsoomaan Desember 2016-ka tiina waxaa hadana ka hor yimi oo wali dhibaato ku haya Guurtida oo diidan ku dhaqanka wixii lagu wada heshiiyay. Laakiin waxay ahayd in Madaxweynuhu digreeto ku soo saaro si ay gudiga doorashooyinku u qabsadaan shaqadooda,imikana diiwaan galinta codbixiyeyaasha oo ay gudiga doorashooynku qaban lahaayeen waxay u dabran tahay meel marinta Madaxweynaha ee soo saarista degreeto uu ku muddaynayo goorta ay dalka doorashooyinku ka qabsoomayaan.”

Xoghayaha oo aanu waydiinay in ay caqadi ka jirto dhanka qaadhaan bixiyeyaasha oo ama xagga asxaabta ayaa ku jawaabay. “Maya intaan ka war hayno dhanka qaadhaan bixiyeyaasha wax dhibaato ahi kama jiraan.”

Mar aanu weydiinay in ay kulan ka yeelanayaan asxaabta qaranka iyo Xukuumaddu ayaa ku jawaabay. “haa mar kastaba waa waajib in talo qaran laga wada yeesho arrimaha taagan waxaanay noqonaysaa in la isaga yimaaddo oo Madaxweynuhuna uu soo saaro digreeto kale oo uu ku burinayo tii hore ee diiwaan galinta codbixiyeyaasha si ay gudiga doorashooyinkuna shaqadooda u qabsadaan.”

Ugu dambayn waxaanu waydiinay waxa ka jira wararka sheegaya in Afhayeenka Xisbigooda WADDANI Xildhibaan Ibraahin Buubaa in loo diiday dal ku galka fiisaha dalka Ingiriiska oo uu muddo u joogay Addis-ababa,ayaa ku jawaabay.Beryahanba waxaynu maqlaynay in Madaxweynuhu oo doonayay in uu Sucuudiga tago oo uu soo cimraysto oo fiisihii loo diiday markaa horta dalka aad fiisaha ka doonaysaa isaga ayay ku xidhan tahay goorta uu fiisaha ku siinayaa laakiin waxaan ogahay oo kaliya in aanay jirin fiise loo diiday laakiin waxaa kaliya ee aan ogahay markii uu Fiisaha dalbaday ee uu waxoogaa ka raagay afhayeenku waxaa uu dalbaday in dib loogu dhigo xilliga ay tegayaan Ingiriiska waxaanu socdaalkiisa ka dhigtay Oktoober ama Nofamber markaa sidaas weeyaan wax loo diidayna ma jiraan dalka fiisaha laga dalbadayna isagaa xor u ah goorta uu bixinayo.”ayuu yidhi xoghayaha Qorshaynta Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdirashiid Riyoraac.

Xigasho wargeyska codka shacabka.

Xogsoormedia.com

Hargeisa Somaliland

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here