Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Masuuliyiinta Xisbiga UCID ee Cardiff ee dalka Uk, ayaa shahaado sharafyo dhiirigalin ah guddoonsiiyey qaar ka mid ah masuuliyiinta xisbigaasi sheegeen inay yihiin kuwa ugu firfircoon xisbiga.
Masuuliyiinta shahado sharafyada la guddoonsiiyey, ayaa waxa ka mid ahaa Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Ucid Mudane Yuusuf Kayse C/laahi iyo xildhibaanno gobolka Saaxil uga soo baxay xisbiga ee golaha deegaanka, xoghaya arrimaha bulshada iyo xubno kale.
Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo shahaadooyinka guddoonsiiyey masuuliyiintan ee ay u soo diyaariyeen laanta Cardiff ee daslka UK, ayaa ku bagaadiyey dhiiri gelinta ay la garab taagan yihiin masuuliyiinta xisbiga oo uu uga mahad celiyey.
Shahaadooyinka oo ay laanta Xisbiga UCID ee UK u soo wakiiladatay nin lagu magacaabo Aniis, ayaa waxa uu sheegay in uu uga wakiil yahay laata xisbiga ee waddankaasi oo u soo dhiibay shahaadooyinkan, waxaanuu yidhi ” Waxa ii soo dhiibay oo aan wakiil uga ahay laanta xisbiga ee Carduff, waxaanu guddoonsiinaynaa masuuliyiinta xisbiga ee ugu firfircoonaa oo kala ah masuuliyiinta iyo xildhibaanada gobolka saaxil oo sidaas ayaanu shahaadooyinka u goddoonsiinaynaa anaga oo aan xataa is garanayn” ayuu yidhi
Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa uga mahad celiyey masuuliyiinta xisbiga ee waddanka UK sida ay u dhiiri gelinayaan masuuliyiinta dedaalaya ee xisbiga
Xogsoormedia.com
Hatgeisa Somaliland