Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Xukuumadda Somaliland ayaa meesha ka saartay waxba kama jiraanna ku tilmaantay in isbahaysiga Mucaaridku ay gaarkooga u qaban karaan shir qaran oo ay mucaaridku hore ugu baaqeen qabashadiisa.
Waxaa kale oo ay Xukuumaddu mucaaridka u soo jeedisay in ay isugu yimaadaan kulan wada tashi oo Xukuumadda iyo asxaabtu ula tagaan Guurtida si loogu qanciyo in ay aqbasho Guurtidu heshiiskii asxaabta qaranka iyo Xukuumaddu ee la iskulaqaatay in doorashooyinku ay dalka ka qabsoomaan Desember 2016-ka. Oo ay Guurtidu waxba kama jiraan ku sheegtay.
Waiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Cali Maxamed Warancadde, oo saxaafadda kula hadlay xarunta wasaaraddiisa ayaa iclaamiyay wada hadalka lala galayo guurtida “Waxaa la bilaabayaa hawshii qabyada ahayd ee ahayd sidii guurtida loola xaajoon lahaa, sidii la iskugu qancin lahaa heshiiska asxaabta iyo dawladdu ay galeen, in laga wada hadlo oo la isku soo fadhiisto sidii loo dhammayn lahaa wixii ka dhiman hawsha doorashooyinka” ayuu yidhi Wasiir Warancadde.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa Mucaaradka uga digay shir ay hore u iclaamiyeen “Halkan waxaan ka caddaynayaa inaanu jirin shir qarameed kale oo sharcigu jideeyay oo dalkan laga qaban karaa.waxaan ugu baaqayaa asxaabta mucaaradka, shir kale jiri maayo oo la kala shiraaye, kaas jira eearrintaas lagu lafo gurayo ee lagu sharciyaynayo ayaanu ugu baaqaynaa inay ka soo qayb galaan, si loo helo nidaam loo dhan yahay oo lagu gaadho wakhtiga doorashada” ayuu yidhi Wasiirka daakhiligu.
Dhinaca kale Wasiir Warancadde, waxa uu eedeeyay mucaaradka oo uu tilmaamay inay heshiiska ka baxeen “Maadaama aynu hayno saxeexii, ogolaanshihii iyo aqbalaadii guddoomiyeyaasha mucaaradka, waxaan is waydiinayaa waa ayo cidda ku kaliftay guddoomiyeyaasha mucaaradka inay si badheedh ah uga noqdaan heshiiska, iyagoo leh 27-ka July wax lagu heshiiyay ma jiro, cida ku khasabtay ayaan la yaabanay cida ay tahay” ayuu yidhi Warancadde.
Xogsoormedia.com
Hatgeisa Somaliland