Hargeysa(Xogsoorrmedia.com):-Ciidanka Booliska Somaliland ayaa shalay fiidkii ku qabtay Tuulada Awbarkhadle ee dhinaca bari ee magaalada Hargeysa shan nin oo looga shakiyya in ay argagixiso yihiin.
Qabashada shanta nine e laga shakiyay ayaa ka dambaysay markii ciidanka ammaanku ay joojiyeen isla markaana baadheen Bas ka mid ah kuwa magaalooyinka u kala goosha oo Burco iyo Berbera ka yimi kuna soo socday Caasimadda Hargeysa.
Shanta nin e e laga shakiyay ayaa la sheegay in waxyaabo lagaga shakiyay in shandadahooda laga helay. Kadib markii ciidanka ammaanku gaadhiga baadhitaan ku sameeyeen. Sida ka muuqatay hawl galka ay ciidanka ammaanku sameeyeen ayaa laga dheehan karayay in booliksu ay ku socdeen war soo gaadhay iyo in ay ka war qabeen in dad laga shakiyay ay Hargeysa soo gelayaan taasoo sababtay in ay boolisku gaadhigan baska ah rakaabkii saarnaa oo dhan baadhitaan ku sameeyeen sida uu sheegay Wariye markaa la kulmay oo socdaal gaar ah wadada ku marayay oo ka tirsan shabakada Arrawwelo News.
.
Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa gaadhay goobtaa daqiiqado kadib si ay ragga la qabtay ugu qaadaan dhinaca Hargeysa si loogu sameeyo baadhitaanno dheeraad ah, iyagoo saraakiisha bilayska ee hawlgalka waday ka gaabsaday inay wax faahfaahin ka bixiyey asbaabaha keenay qabashada kooxdaas.
Baabuurka baska ah ee lagu qabtay kooxda laga shakiyey waxa uu rakaab ka soo qaaday dhinaca magaalooyinka Burco iyo Berbera, wuxuuna u soo jeeday magaalada Hargeysa, balse lama oga halka raggaasi ka soo raaceen baska, waxaana la rumaysan yahay inay wadeen qorshe lagu waxyeelaynayo ammaanka Somaliland, iyadoo xilligan lagu jiro dabayaaqada bisha barakaysan ee Ramadaan oo dadku ku mashquulsan yihiin cibaadada tobanka dambe iyo diyaargarowga maalinta ciidda, taasoo saxmad xooggan ka dhigtay suuqada magaalooyinka waaweyn, gaar ahaan caasimadda Hargeysa.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland