“Haddan wax laga qaban maayerna la ahaan maayo jananna la ahaan maayo.” Caaqil Cabdi Cayuun
“Hadii go’aamadii kaa horeeyay la tix gelin waayay macnaheedu waxa weeyi adna ku waaga la tix gelinmaayo.” Maxamed Cali madoobe
Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Salaadiin Cuqaal iyo Wax garadka Xaafadda Sheekh Sancaani ee magaalada Hargeysa ayaa ku eedeeyay Maayerka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid ganacsade Maxamuud Aw Siciid iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka Sarreeye Gaas Ismaaciil Maxamed Shaqale in ay dhul boob ku hayaan xaafadda Masalaha gaar ahaan Sheekh Sancaani oo ay sheegeen in ay si sharci darro ah ku qaadanayaan dhul beero ah oo dad gaar ahi leeyihiin.
Waxaaa kale oo ay intaa ku dareen in Maayerka iyo Taliyaha ciidanka qarankuba ay dhinac mareen sharciyadii hore ee maamulkii dawladda hoose ka soo saaray iyo go,aankii xukuumadihii horeba dhinac mareen oo ay diideen sharciyaddii Xukuumaddan imika talada haysa ka horreeyay.
Madaxdhaqameedka iyo waxgaradka Sheekh Sancaani oo maanta shir jaraa,id ku qabtay magaalada Hargeysa.
Ugu horrayn waxaa shirkaa jaraa,id ka hadlay oday Maxamed Xasan Khayre, oo kamida gudida horumarinta xaafadda Sheekh Sancaani waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan.
“Waxaanu kahadlaynaa maanta xaafadan Sancaani beeraha ku xidhan ee ka xiga galbeed iyo waqooyiba ka xiga kuwaas oo lagu deegaameeyay beero dad leeyihiin,beesha beerahan iskalana muddo dheer ayay dulqaad muujinayeen, waxaana xaaladaa nabad gelyo darada keenaysaa ka shaqaynaya oo reer nimo kuwada socda Jananka ciidan milatariga ee imika jooga iyo kii kahoreeyayba,waxaan jira wasiiro reernimo ku dagaalamayay oo ina sheikh Cumar lasocday, beesha mawada ee daynayo oo dad aan kula socon oo beesha katirsan way jiraan, taana waxaan u aragnaa duulimaad lagu soo duulay beeraha ay beeshani leedahay”
Caaqil Cismaan Cadbi Amiir oo isna arrintan ka hadlay ayaa sheegay in ay muddo taagnayd isla markaana ay beel ahaan dhawrayeen nabad gelyada isagoo intaa ku daray in rag uu sheegay in uu Maayerka Caasimaddu ka mid yahay ay wadaan in meesha wax ka dhacaan.”muddo dheer oo dhawr iyo tobon sanadood ah ayay meeshan arimahani kataagnaayeen, waxaan beesha halkan degani ay dhawrayaan ilaalinayeen nabad gelyada , hawshana waxaa wada rag uu kamid yahay maayarka magaa lada Hargaysa, dhulkana ragbaa lahaa iskamay ahayn banaan , haddii ayna arintan wasiirka arimaha gudaha iyo janalka ciidanka boolisku ayna waxba kaqaban oon maayarka wax laga qaban, waxaa sidoo kale ciidanka ku soo fayliya Jananka milatariga , sandaqahan halkan ku taagan milatarigaa dhisay , marna dirayskay soo qaadanayaan marna dhar shicib”. Ayuu yidhi caaqil Cismaan Cabdi
Maxamed Cali madoobe oo ah gudoomiyaha gudida arimaha bulshada ee gudida Horu marinta beelaha Arab ayaa isna sheegay in arintani ay tahay arintii uu wax kaqaban lahaa Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland “ Hawshani waa hawshii wasiirka Arimaha Guduhu wax ka qaban lahaa ama uu gacan ka gaysan lahaa dhawr jeerna arintan waa la gaadhsiiyay wasiirka balaayana hor la qabtay leedahee dabo laqabto malaha, waxaa loo baahanyahay in arintan wax laga qabto oo laga hortago oo si siman oo caddaaladleh wax looga qabto oo go’aamadii hore ee laga soo saaray la tixraaco ee maayaradii hore iyo xukuumadihii tan ka horeeyay ay ka soo saareen, hadii go’aamadii kaa horeeyay la tix gelin waayay macnaheedu waxa weeyi adna ku waaga la tix gelin maayo” ayuu yidhi
Caaqil Cabdi cayuun ayaa ku eedeyay in dhul boobkaasi ay ka cabanayaan ay masuul ka yihiiin ganacasadaha maxamed Aw Siciid jananka Ciidanka Milateriga Ismaaciil Maxamed (Shaqale) iyo Maayirka Caasimadda Hargeysa C/raxamaan Maxamuud Caydii (Soltelko) Caaqilka oo arrinta ka hadlayaana waxaa uu yidhi. “Maayirkii hore ee Jiciir oo labadda beeloodba u dhex ahaa ayaa ka dagaalamay in badan oo lahaa labada dhinacaba maxaad sharci haysataan, oo aan beeraha bilaa sharciga ah la sinayn kuwa kale, imika ninka doonaya iyo maayirkan bixinayaaba waa il maadeer sibaanay wax u wada wadaan, dee maayerrna la ahaan maayo jannana la ahaan maayo, hadday xumaato waxaa taa noo dheer ninka layidhaahdo ina Aw Siciid ee imika halkaas loo jeexay ee jabuuti ka soo duulay ee wershadii laydhka loo saxeexay dhulkan aad jeexatay ee reernimadda aad lacagta ula daba socootaana ma soconayo, Maayirku waa ninka kowaad ee habeen badhka u qayda xaafadda dhan ee halkaas laga dhisay ee buuxda habeen badhka ayuu u qayda waxa weeyaan, dhulka ragbaa lahaa iskamay ahayn bankaas hadii aan wax laga qaban, Maayirka laftiisa wax laga qaban, jananka ciidamadda milateriga laftiisa ayaa waagii beryaba halkan ku soo fayliya, sandaqadaha halkan daad san ee aan la dhisin milateriga ayaa keenay marna dirays ayay soo xiidhanayaan marna dhar shicib waa in si degdega wax looga qabtaa” ayuu yidhi caaqilku
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland
abafgaab@hotmail.com