“ Maxaad UCID Uga Xishoon Wayday.”Cali Guray

0
309

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Guddoomiye ku-xigeenka sadexaad ee xisbiga UCID Cali Guray ayaa jawaab ka bixiyay eedo uu warbaahinta u mariyay Xildhibaan Siciid Maxamed Cali(Siraadle) oo ka tirsan golaha Wakiiladda Somaliland.

cali

Xildhibaanka ayaa qoraal uu warbaahinta ku soo saaray waxaa uu ku dhaliilay hadalada Cali Guray iyo Xisbiga UCID oo uu ku sheegay qaar ay iyo aflegaado ah.

Laakiin waxaa caawa jawaab ja bixiyay Cali Guray oo xildhibaanka ku sheegay in aanu Somaliland iyo deegaanka uu ka soo jeedo midnaba aanu wax tar u lahayn isla markaana waxaa uu intaa raaciyay in uu xildhibaanku ka xishoon waayay UCID oo uu ka soo baxay kuna yahay xildhibaan kursi UCID ku fadhiya. Cali guray ayaa sidaa ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook waxaanu u dhignaa sidan.

 

“Inanka Dhulbahante ee ah Xildhibaanka UCID ka soo baxay waa kuwa Isaaqu marka ay isu badheedhi kari waayaan ay isu kiraystaan ee iyaga oo dalkoodii jooga hadana calooshood u shaqayste yaasha ah ee sidaa moobilada hadba ka kursiga ku fadhiyaa lacagta ku shubto. Anigu noocaa dad uma aqaano haduu nin rag ah yahay wixii Kalshaale iyo Buuhoodle dawladdu ka samaysay maalin miyuu ka hadlay inta uu Caligurey iyo Xirsi ka dhex maakhadaynayo. Dhulbahante wax uguma fila, isaaqna wax uguma fila, Somaliland waxba uguma fila oo waa hunguri qaawan waxa uu la dhex joogaa isaga iyo qayrkii, anigu noociisa waxan ka jecelahay kuwa khaatumo ceebna uma arko xataa dagaalkooda oo dee rag wuu is dili karaa waanu heshiin karaa.

Haduu nin raga yahay waxan halkan ku waydiinayaa sua’aal keliya oo ku saabsan cayda uu ka hadlay hadii uu ka jawaabo iyo sida uu uga jawaabo. SICIIDOW MADAXWAYNAHA SOMALILAND WUXU CAAYAY GUDOOMIYAHA UCID OO UF BAA LAGU YIDHI, SIDII YUU XAAR YAHAYE BAL CAYDA CALIGUREY OON MADAXWAYNE AHAYNI XIRSI KU YIDHI EE TAA KA WAYN ADIGU SHEEG HA LAGU WADA MAQLO EH.
Lakiin adigu tan la maad yaabin balse dadka damiirkoodu bool yahay ee Somaliland aan hunguriga uun u dhex joogin oo dhan baa la yaabay. Adiguse biidhi qaate mushaharkiisa xataa magaca UCID ku qaata ayaad tahay oo wax loo jawaabo ma tihid.”

Xogsoormedia.com

Hargeisa Somaliland

Xogsoormedia.com@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here