Garoowe(Xogsoormedia.com):- Ciidankii labaad ee ka tirsan Millatariga Maamul goboleedka Puntland ayaa maanta gadood sameeyay kana baxay fadhiisimadii ay fadhiyeen ka dib mushahar la,aan markii ay muddo badan ku joogeen
Ciidankan maanta gadoodka sameeyay ee banneeyay fadhiisimadii ay fadhiyeen ayaa gabi ahaanba ka guuray deegaanka Tukaraq ee ay ku sugnaayeen isla markaana gaadhay magaalada Garoowe waxaanay ciidankani degeen xero ciidan oo ku taalla magaalada Garoowe iyagoo sheegay in aanay wax amar ah qaadanayn illaa ay helaan xuquuqdii ay maamulkaa ku lahaayeen.
Warkan ayaa intaa ku daraya in ciidanka Puntland eek u sugnaa tuulada Tukaraq ee gobolka Sool oo ay iska soo hor jeedeen Ciidanka Qaranka Somaliland oo xilligan fadhigoodu yahay tuulada Gambadha oo masaafo dhan 30 KM u jirta Tukaraq in ay gabi ahaanba toos uga wada guureen caawa fiidkii halka warku intaa sii raacinayo in qayb ciidanka Puntland ee Tukaraq ka mid ahina in ay saaka ka bexeen deegaankaa meel dhanka Garoowe ka xigta oo ay degenaayeen fadhiisinna u ahayn.
Waa markii labaad ee ciidan ka tirsan Puntland uu gadood mushahar la,aan ah sameeyo iyadoo ay hore gadood u sameeyeen ciidan uu hor kacayo taliye xigeenkii booliska Puntland oo gabi ahaanba ka goostay maamulka Garoowe ciidankiisiina la tegay magaalada Ayl.
Waxaa jirtay in Puntland ciidan ku saartay la dagaalama ciidanka ka fallaagoobay ee u baxsday dhanka Ayl laakiin waxaa arrinta dhex galay oo waan waan ka dhex waday maamulka Garoowe iyo ciidanka taliye ku xigeenkii boolisku la goostay madaxdhaqameedka Puntland laakiin taasi waxba kamay qaban dhibaatada ay ciidanku ka cabanayeen ee mushahar la,aanta ahayd.
Intaa kadibna waxaa soo korodhay ciidankan kale ee maanta illaa caawa baneeyay fadhiisimadii Puntland ay ka joogtay dhinaca galbeed ee Garoowe iyo Tuulada Tukaraq ee Gobolka Sool.
Mushahar la,aanta ciidanka puntland la soo deristay iyo ciidanka ka gadooday iyo xiisadda colaadeed ee ka dhex curatay Punland iyo Galmudug ayaan la saadaalin Karin sida uu u maarayn doono Cabdiwali Gaas
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland