Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Xukuumadda Somaliland ayaa ku gudo jirta soo af-jaridda shaqaaqo colaadeed oo dhimasho iyo dhaawac keentay oo ka dhacday tuulada Guumays ee gobolka Sool.
Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryaynta Somaliland Cabdirisaaq Khaliif oo socdaal gurmad nabadeed ah ugu baxay gobolka Sool kulamana la yeeshay waxgaradka labada dhinac ayaa sheegay in ay ku gudo jiraan nabad ku soo dabbaalidda shaqaaqada ka dhacday Guumays ee dhimashada keentay markaa ka dibna loo gudbi doono isu keenida odayaasha labada dhinac,
Waxaanu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu xalay khadka tilifoonka ku siiyay wargeyska Dawan isagoo ku sugan magaalada Laascaanood. Ugu horrayn Wasiirka oo aanu waydiinay in ay bilaabeen,ayaa ku jawaabay.
“ Maanta(shalay) markii aanu gaadhnay waxaanu la kulanay maamulka Gobolka Sool,taliyeyaasha ciidamada millatari iyo boolisba oo aan aad ugu amaanayo siday shaqaaqadaa dhimashada keentay uga hawl galeen ee ay awooda u saareen in aan qasaare dambe dhicin waxaa kale oo aanu la kulanay wax garadkii iyo odayaashii deegaanka oo dhamaantood noo muujiyay siday uga xun yihiin qasaarihii dhacay oo ahaa wax shaydaan uu ka adeegay waxaanay wax garadka labada dhinacba noo caddeeyeen in ay diyaar u yihiin in arrinta wada hadal lagu dhameeyo oo nabadda laga wada shaqeeyo waxa meesha ka dhacayna eedeeda lama wada laha ee dhinacbaa leh oo qaladka la saaray oo dhinaca reer Laascaanood ayaa qaladka leh ka dib markii dhalinyaro aanay cidina waxba la ogayn oo hubaysani wax geysteen,waxaanan bilawnay wacyi galinta bulshada iyo hub ka dhigista dhalinyarada hubaysan ee labada beelood haddii ay jiraan.”
Mar aanu waydiinay ka Xukuumad ahaan soo afjaridda dhacdadaas oo soo noq noqotay muran dhulna la sheegay in ay la xidhiidho waxa uga meel yaal ,ayaa ku jawaabay. “horta arrintu dhul lama xidhiidho oo dhul ay labada beelood ku muran san yihiin ma jiro wax shaqaaqad dhuleed ahina ma taagna laakiin arrintu waxay daba socotay dilal hore oo dhacay waxaanan imika gudo galaynaa in aanu halkaa ku dhamayno oo aanay dhibaato dambe dhicin ka Xukuumad ahaana waxaanu ka hawl galaynaa in aanu isu keeno labada dhinac ee dhibaatadu ka dhex dhacday oo dil dhex yaallo oo u baahan in kalsooni iyo nabad laga dhex beero waxaa kale oo aanu ka shaqaynaynaa in gogol nabadeen oo guurtida iyo culimada iyo madaxdhaqameedka Somalilandba ay gacan ka gaystaan in la isugu keeno oo ugu dambayn halkaa ay ka soo baxaan go,aamo nabadeed oo la isla qaatay sababtoo ah arrinta dhammaynteeda iyo xal ka gaadhisteeduba waxay ka go,aysaa oo ay qusaysaa labada beelood isu keenidooda iyo wada hadalsiintooda, maanta (shalay) waxaanu kulanay oo aanu is-aragnay odayaasha labada dhinac oo aanu kulan ku wada yeelanay guumays,caawana (xalay) waxaanu wada joognaa garaadkii iyo wax garad kale insha allaah guul iyo nabad ayaanau ku dhamaanaysaa.”
Waxaa kale oo aanu Wasiirka waydiinay marka la isu keeno labada beelood ee la wada hadlo go,aamanda ka soo baxa siday u fulayaan iyo cidda fulintooda leh,ayuu kaga jawaabay. “Xukuumadda way ka go,an tahay in ay awood dawladeed ku fuliso wax kasta oo la isku raaco nabadna lag u dhisayo oo halkaa ka soo baxa sida horeba u dhacday marka ay go,aamo nabadeed soo baxaan Xukuumadda ayay u taalla fulintoodu dalkana dawlad ayaa ka jirta xilka ugu waynina markaanu xaaladda labada beelood dhex taalla nabad ku soo dhamayno cid kasta oo ka hor timaadda go,aamada gogosha nabadeed ka soo baxa ee la isla qaato dawladda ayaa tallaabo ka qaadaysa.”
Ugu dambayn Wasiirka oo aanu waydiinay wuxuu kaga jawaabayo dadka dhaliila oo ku eedeeya Wasiir aan haysan taageerada dadkiisa iyo gobolka Sool oo uu ka soo jeedo,ayaa isagoo qoslaya ku jawaabay. Laascaanood waxay Somaliland ku tahay taageerada beeshayda tageerada iyo kalsoonida beeshaydana waan haystaa waxaanan ahay Wasiir Somaliland oo dhan Wasiir u ahay cidda leh taageero ma haysto iyo hadalada caynkaas ahina waa cid aan xaqiiqada ogayn ama gees maraysa.”
Xogsoormedia.com
Hargeisa.com