Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan,ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Wefti ka socda Hay,ad samafal oo Turki ah oo Somaliland booqasho ku yimi.
Wasiirka Madaxtooyada ayaa masuuliyiinta ha,adda samafalka ah ee dalka Turkiga ee socdaalka ku yimi Somaliland uga warramay halka ay Somaliland marayso iyo meelaha u baahan in gacan samafal laga geysto sida dadka danyarta ah ee jilicsan oo noloshooda kor loosoo qaado iyo caawinta xarumaha agoomaha iyo meelo kale.
Guddoomiyaha Hay,adda diiwaanka Sekeda Somaliland Sheekh Siciid Maxamed Faarax oo markii kulanku soo dhamaaday warbaahinta la hadlay,ayaa sheegay in Wasiirka Madaxtooyada iyo masuuliyiinta Hay,adda samafalka ah ee ka socotay dalka Turkigu ka wada hadleen sidii ay Hay,addu gacan samafal uga gaysan lahayn baahiyaha nolosha dadka danyarta ah iyo kor u qaadista noloshooda taasoo uu sheegay sheekhu in hay,addu dalka u timi caawinta dadka jilicsan ee reer Somaliland guud ahaan isla markaana ay wax tari doonto dadka u baahan in dhanka nolosha laga taageero ee aan waxba haysan.
“Hay,addan samafalka ah ee ka socota dalka Turki
U waxay Somaliland u yimaadeen in ay caawiyaan dadka saboolka ah gacanna ka gaystaan kor u qaadista noloshooda taasoo ay wadayaan mustaqbalka gacanna ka gaysan doonaan wax tarka dadka danyarta ah iyo saboolka noloshooda.”
Waxanu intaa ku daray in ay sidaan raashin ay u qaybin doonaan dadka danyarta ah ee reer Somaliland…
hadaba halkan ka daawo
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland