Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Xisbiga mucaaridka ah ee UCID,ayaa Xukuumadda ku eedeeyay in ay quus ka joogaan dawladda Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka ee qaadhaan bixiyeyaasha ah oo in badan Xukuumadda kala hadlayay in ay caddayso in ay diyaar u tahay in dalka ay doorashooyinka ka qabato wakhtiga sharciga ah ee uu soo saaray gudiga Doorashooyinka Somaliland ama xilliga ay asxaabta mucaaridka ah ku heshiiyeen.
Taasoo uu xisbiga UCID sheegay in ay dawladdu ka cago jiidayso oo aanay warkeeda caddayn.
Cabdirashiid oo ka jawaabayay su,aal aanu ka waydiinay in ay ka bexeen heshiiskii ay Xukuumadda wada gaadheen ayaa ku jawaabay. “horta ninka hadalkaa yidhi waa ninkii horena u yidhi heshiiska aanu wada galay wuxuu ahaa sharci darro markaa KULMIYE mar walba ay iska kala hadlaan mana wada socdaan waxay doonaanna way sheegaan laakiin anagu heshiis kamaanu bixin ee iyagaa ka baxay oo xukuumadda ayaa ka baxday oo aan diyaar u ahayn in ay dalka doorasho ka qabato,markaa cidda ka baxday waa Xukuumadda waxay mucaaradka ku sheegayaana waa mid ay iyagu sameeyeen .”
Musharax Mataan oo ka jawaabayay mar aanu waydiinay halkay ku dambaysay waan waan ay mucaaridka iyo Xukuumadda ka dhex wadeen dawladaha Somaliland doorashooyinka ka taageera,ayaa ku jawaabay. Dalalka Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinku in badan ayay ku soo noqnoqdeen dalka iyagoo doonaya in xal kama dambays ah laga gaadho goorta ay doorashooyinku ka qabsoomnayaan Somaliland xukuumadda ayaanay waxba dhankeeda ka dhamaan waayeen oo ay qaadhaan bixiyeyaashu quus ka joogaan sababtoo ah Xukuumaddu ma doonayso in dalka ay doorashooyin ka qabato suuragalna ma noqonayso xukuumad wakhtigeedii dhamaaday in ay sii joogto.”
Mar uu ka hadlayay waxa asxaab mucaarid ahaan uga meel yaalla haddii ay Xukuumaddu fulin waydo heshiiskii ay wada gaadheen iyo sida uu u arko in dalku ku badbaadayo, ayaa yidhi. “horta haddii sharci la doonayo waa in lagu dhaqmaa go,aankii gudiga doorashooyinku ay soo saareen ee ay asxaabta iyo qaadhaan bixiyeyaashuna ku raaceen oo ay afduubtay Guurtida oo sharci darro samaysay sababtoo ah Xukuumaddu waxay baal martay heshiiskii aanu wada gaadhnay oo ahaa mid aanu ku eegaynay maslaxadda dalka markii Guurt wax qaribtay kiina Xukuumadda iyo KULMIYE ayaa ka baxay markaa waxay noqonaysaa in sharciyadda loo noqdo oo kii Gudiga doorashooynki la qaato dalka ay doorashadu ka qabsoonto wakhtigii Komishanku u asteeyay hadday taasi dhici waydo oo ay Xukuumaddu ka dhego adaygto dalku dawlad la,aan ku dhici mayo ee labada Xisbi mucaarid talo qaran ayay isugu iman doonaan oo xukuumad ku meel gaadh ah ayay soo dhisi doonaan,waxan guurtidu soo saartayna waa qayrul sharci aan soconayn.”ayuu yidhi musharaxa jagada Madaxweyne ku-xigeenka xisbiga mucaaridka ah ee UCID Cabdirashiid Xasan Mataan oo waraysi gaar ah khadka tilifoonka ku siiyay wargeyska Codka Shacabka xalay.
Xigasho wargeyska codka shacabka
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland