Masar: Kacdoono Mar Kale Ka Soo Cusboonaaday iyo Muddahaarado Ka Dhan Ah Dawladda Oo Gilgilay Dalkaas

0
349

 

Qaahira(Xogsoormedia.com):- magaalooyin waawayn oo ka tirsan dalka Masar,ayaa waxaa ka bilaabmay muddaharaado hor leh oo lagaga soo hor jeedo dawladda AlSiisi isla markaana lagu taageerayo Madaxxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi oo u xidhan dawladda Millatarigu hoggaaminayo/

Dibad baxayaasha reer Masar oo magaalooyin badan isugu soo baxay ayaa Xukuumadda Cabdifataax Al-siisi ugu baaqayay in ay is casisho iyo xorriyadiisa loosoo celiyo Madaxweynihii la doortay ee Mursi oo u xidhan Millatariga dalkaas.

Dhinaca kale waxay muddaharaadayaashu ugu baaqeen ciidanka Millatariga dalka Masar in aanu layn dadka rayidka ah oo uu ka daayo rasaasta uu sida tooska ah ugu furo mar kasta.

Muddaharaadayaasha ayaa markii ugu horraysay shalay kacdoonkoodu ka bilaabmay mar ay aas wadareed u samaynayeen 26 qof oo ka mid ah ururka Akhwaanul Muslimiin oo ay millatariga dalasi ay dileen.

Dhinaca kale dawladda Masar ayaa ku jirta la tacaalida dagaalo kaga socda gacanka Siinaay halkaas oo ay dagaalo badani ku dhex mareen kooxaha jihad doonka ah iyo dawladda millatariga ah ee uu hoggaamiyo Cabdifataax Al-Siisi.

Waxaana dawladda dalka Masar maalin ka hor gacanka Siinaay lagaga dilay ugu yaraan 26 askari oo ka tirsan ciidanka Millatariga dalkaas.

Kooxaha ka soo hor jeeda dawladda Millatarigu hoggaamiyo ee dalka Masar ayaa dhinaca kale waxay ka faa,iidaysanayaan dhibaatada uu Millatarigu u gaysanayo dadka rayidka ah ee aan taageersanayn ama raacsan Ururka Akhwaanu muslimiinka oo dawladda dalkaasi mamnuucday hoggaamiyeyaashiisana ay jeelasha ku gurtay halka maalin kasta ciidammada dalkaasi ay dilaan hoggaamiyeyaal iyo madax ka tirsan ururka Akhwaanu Muslimiin.

Ugu dambayn kacdoonada mar kale Masar ka soo cusboonaaday ayaa sababi kara in uu dalkaasi galo xaalad siyaasadeed oo   jahwareersan iyadoo la ogyahay in kacdoonadii dalkaa hore uga bilaabmay ee lagu riday Xukuumaddii Xusni Mubaarik dabkii ay dalkaa galiyeen in uu wali kasii hurayo.

Xogsoormedia.com

Hargeysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here