Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Wasiirka Wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde ayaa cisbitaalka guud ee Hargeysa ku booqday Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ka tirsan golaha Wakiilada oo ciidanka Madaxtooyadu garaaceen.
Ciidamada qasriga Madaxtooyada Somaliland, ayaa qori dabaddii ku garaacay Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ka tirsan mudaneyaasha Aqalka Golaha Wakiilada Somaliland, waxaana hada xaalad caafimaad loo dhigay Cisbital-weyn ee Hargeysa.
Ugu yaraan afar askar oo ka tirsan ciidanka madaxtooyada Somaliland ayaa si xun u garaacay xildhibaanka soona gaadhsiiyay dhaawacyo kala duwan oo sababay in loola cararo cisbitaalka guud ee Hargeysa.
Ilaa hada lama oga sababta keentay in Xildhibaankan ka tirsan Xisbiga muxaafadka ah ee Xukuumadda Kulmiye, ay ilaalada Madaxtooyadu u garaacdo si arxan darro ah.
Dhanka kale wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Warancade, ayaa cisbitalka weyn ee Hargeysa ku booqday Xildhibaanka, waxaana hada la sheegayaa in xaaladda caafimaad ee Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan ay hada aad u fiican tahay.
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland