Boorama(Xogsoormedia.com):-Xukumadda Somaliland, ayaa magaalada Booramae ku xidhay Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federalka Soomaaliya oo socdaal qarsoodi ah ku yimi
Badhasaabka gobolka Awdal, Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax, ayaa idaacadda BBC-da u xaqiijiyay xadhiga Mudanahaasi oo uu sheegay inuu xabsiga ku sii jirayo lana horgaynayo Maxakamad.
Xildhibaanka la xidhay oo magaciisu yahay Axmed Xuseen Xasan, ayaa wejahaya dambi ah khiyaamo qaran, kaasi oo Somaliland uga yaala cadda Somaliland u dhalatay ee xil ka qabata Xamar.
Lama oga in sharciga Somaliland ee khiyaamo qaran u aqoonsanaya lagu rido doono Xildhibaankaasi balse badhasaabka Awdal waxa uu sheegay in maxakamad la soo taagi doono.
Inta badan Siyaasiyiinta Somaliland ka soo jeeda ee xilalka u doonta Xukumadda Muqdisho ayaan Somaliland ku soo laaban ilaa ay ka noqdaan fikirka Somalia islamarkaana cafis loo fidiyo.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland
abafgaab@hotmail.com